Khasaaraha weerar Diyaaradeed lagu qaaday Sucuudiga

Jeddah-(Berberanewa)-Illaa hadda waxaa la xaqiijiyay inay 12 qof ku dhaawacmeen diyaarad Drone ah oo lagu weeraray garoonka diyaardaha Abha ee dalka Sacuudiga.

Dhaawaca dadka ayaa sida Sacuudigu sheegeen ka dhadhay burburka ama firidh ka dhashay Drone uu dhexda ka qabtay barnaamijkooda difaaca hawada.

Ka kadb markii muddo kooban la hakiyey, shaqadii Madaarka oo la hakiyay, ayaa dub u shaqo u galay sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen.

Dadka dhaawacyadu soo gaadheen, ayaa la sheegay inay isugu jiraan shaqaalaha garoonka iyo dad safar ahaa oo kasoo kala jeeda dhowr dal.

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa inta badan beegsata garoonka Abha oo ku yaalla koonfurta Sacuudiga, meel ku dhow xuduudda Yemen iyo qeybo kale oo ka mid ah Sacuudiga, iyagoo adeegsaneysa gantaallo iyo diyaarado drone ah.

Xulufada Sacuudiga ayaa si joogto ah duqeymyo uga fuliya Yemen, halkaasi oo ay sheegaan inay beegsadaan badhtilmaameedyada Xuutiyiinta.

Weerar dhacay horraantii January oo loo adeegsaday diyaarad Drone ah ayaa saddex qof ku dilay magaalada Abu Dhabi, iyada oo lix kalena ay ku dhaawacmeen, weerarkaas oo ay sheegteen Xuutiyiinta

Berberanews.com
Info@berberanews.com