Dr Gabboose oo dhoollatuskiisii u horreeyay ka bilaabay Oodweyne

Oodweyne-(Berberanews)-Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa maanta Safar Gaaban Ku tgay Degmadda Oodwayne Ee Gobolka Daad-madheedh,

Bulshadda Degmadda Oodwayne ayaa Si Kal Iyo Laab Ah U Soo Dhawaysay Dr Maxamed Cabdi Gaboose, Waxayna U Balan-qaadeen Innay Hoo Iyo Hiilba La Garab-taagan yhiin.

Dhinaca Kale Odayaasha, Waxgaradka Iyo Cuqaasha Gobolka Daad-madheedh Ayaa aad uga xummaaday hadaladii dhawaanahan Laga Baahiyay Dr Gaboose, Hadaladaas oo dhalhtarku ka jeediyay Shirkii Beesha Garxajis Ee Buurta Gacan-libaax.

Dr Maxamed Cabdi Gaboose Oo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Ruugcaddaaga ah Ee Reer Somaliland Ayaa Immika Doonnaya Innuu Ka Qaybgalo Baratanka Siyaasadeed Ee Doorashooyinka soo socda Isagoo Furan-doonna Urur-siyaasadeed cusub oo uu isagu madax ka yahay.

Info@berberanews.com