Somaliland oo fursad maalgashi oo u weyn u bandhigtay Taiwan

Typie -(Berberanews)-“Somaliland waxay leedahay maalgashi weyn oo ay ku samaynayso kaydka shidaalka iyo gaaska aan weli laga faa’iidaysan.” Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa sidaasi u sheegay Madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, isagoo soo bandhigay fursado maalgashi oo booqasho heer sare ah ku timi, sida lagu daabacay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Dhinaca macdanta Somaliland waxa ay leedahay maalgashi aad u weyn oo ay ka mid yihiin kaydka, saliidda iyo gaaska iyo sidoo kale dhuxusha oo si fudud loo sahamin karo,” ayuu yidhi.
“Booqashadan taariikhiga ah waxay astaan ​​muhiim ah u tahay xidhiidhka xooggan ee ka dhexeeya labadeena dal,” ayuu yidhi mar uu la kulmay madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen maanta.
Taiwan ayaa dadaal ugu jirta inay kor u qaaddo joogitaankeeda masraxa caalamka, iyadoo Shiinuhuna uu ugaadhsanayo xulafadeeda diblomaasiyadeed.
Taiwan ayaa roog cas u fidisay Somaliland oo ah saaxiib cusub oo ay isku mowqif yihiin.
Taiwan iyo Somaliland labaduba waa dalal dimoqraadi ah oo iskood isu maamula oo aan inta badan dunidu aqoonsanayn.
Labadan dal ayaa isku doortay hadafkooda inay noqdaan dalal madax bannaan.
Sannadkii 2020-kii ayey samaysteen xidhiidh xooggan oo horseeday inay safaaro is dhaafsadaan taas oo ay Shiinaha iyo Soomaaliyaba ka cadhoodeen.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud, ayaa xidhiidhka Taiwan ku tilmaamay “xidhiidh gaar ah oo taariikhi ah oo u dhexeeya labada waddan ee dimoqraadiyadda Afrika iyo Aasiya.”
Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya kadib dagaalkii sokeeye ee 1991-dii. Inkasta oo tallabadaasi ay tahay mid aan beesha caalamku aqoonsanayn, haddana waxa ay sameeyeen horumar la taaban karo oo dhanka dimoqraadiyadda iyo xasilloonida ah, gaar ahaan marka loo barbardhigo Soomaaliya.