Shiinaha oo ka hadlay safarka weftiga Somaliland ee Taiwan

Bejing  -(Berberanees)-Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Mr Zhao Lijian, ayaa ka jawaabay booqashada wefti ka socda Jamhuuriyadda  Somaliland ay maalintii labaad ku joogaanTaiwan, halkaas oo la filayo inay ku kala saxeexdeen heshiisyo horleh.
Zhao Lijian, ayaa sheegay in dunida laga aqoonsan yahay hal dal oo la yidhaa Shiinaha, Taiwan-na ay tahay qayb aan laga maarmi karin oo ka tirsan Shiinaha.
“Mabda’a in hal dal oo shiinaha ah uu jiro, waa xeer ka mid ah xidhiidhka caalamiga ah,” ayuu yidhi Afhayeenku.
Taiwan ayaa roog cas u fidisay Somaliland oo ah saaxiib cusub oo ay isku mowqif yihiin, .
Taiwan iyo Somaliland labaduba waa dal dimuquraadi ah oo iskood isu maamula oo aan inta badan dunidu aqoonsanayn.
Taiwan ayaa dadaal ugu jirta inay kor u qaaddo joogitaankeeda masraxa caalamka, iyadoo Shiinuhuna uu ugaadhsanayo xulafadeeda dublamaasiyadeed.
Labadan dal ayaa isku doortay hadafkooda inay noqdaan dalal madaxbannaan.
Sannadkii 2020-kii ayey samaysteen xidhiidh xooggan oo horseeday inay safaaro is dhaafsadaan, taas oo Shiinaha iyo Soomaaliyaba ka cadhoodeen.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud, ayaa xidhiidhka Taiwan ku tilmaamay “xidhiidh gaar ah oo taariikhi ah oo u dhexeeya labada waddan ee dimuqraadiyadda Afrika iyo Aasiya,” ayuu yidhi Wasiir Ciise Kayd.