Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Boosaaso caawa

BOOSAASO —(Berberanews)-Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhinatay, ku dhowaad tobaneeyo kalena waa ay ku dhacwmeen qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland gabbaldhacii maanta.

Goobta qaraxu ka dhacay oo ah meherad waxa fadhiyey dad badan oo isugu jira askar iyo shacab.
Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxaas, ayaa la sheegay inay jiraan saraakiil iyo askar ka tirsan ciidammada ammaanka ee Puntland.