Xiddiga Sadio Mane: 7 arrimood oo ku saabsan laacibkan islaamka ah

Sadiyo Mane oo lambarka 10-aad u xidha xulka qaranka Senegal ayay u rumowday riyadiisii ahayd inuu guul taariikhi ah usoo hoyiyo waddankiisa, isagoo gacan ka siiyay inay markii ugu horreysay hantaan Koobka Qaramada Qaaradda Afrika muddo lixdan sano ah.

Xiddiggan sidoo kale weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ayaa lagu yaqaannaa inuu yahay qof aad dabeecad wanaagsan oo aan dadka iska sarreysiinin. Inta badan ciyaartoyda kale iyo dadka lacagta heysta ee isaga la mid ah ayuu uga duwan yahay in aanu qaadanin waxyaabaha qaaliga ah, sida telefoonnada lacagta badan lagu bixiyo.

Photo by GettyImages

Sadiyo Mane ayaa kasoo jeeda qoys aad sabool u ah oo markii uu yaraa caqabado badan kala kulmay dhanka nolosha.

Maqaalkan waxaan ku xuseynaa ilaa 7 arrimood oo ku saabsan ciyaartoygan taageerada badan helay, qaab ciyaareedkiisana aad loo jecel yahay.

1. Wuxuu ka cararay guriga qoyskiisa si uu kubad u ciyaaro

Waxaa laga yaabaa inaad garaneysid qisadan. Markii uu Mane cunug yar ahaa waxa uu kusoo koray tuulo lagu magacaabo Bambali oo ku taalla Senegal. Xilligaas qoyskiisa run ahaantii ma aysan u oggoleyn inuu lugtiisa ku laado kubbad.

Aabihiis waxa uu geeriyooday isagoo toddobo jir ah, inta badanna waxaa soo koriyay adeerradiis. Waxa uu kasoo jeedaa qoys imaamyo Muslimiin ah. Sidaas awgeedna waxa ugu horreeya ee cunugga inuu diiradda saaro laga rabo waa waxbarashada.

“Adeerkey ma uusan rabin inaan ciyaaro sababtoo ah waxa uu u maleynayay in iskuulka uu ka muhiimsan yahay ciyaarta. Arrintu way adkaatay, waayo ma uusan jecleysanin taas,” ayuu yiri Mane oo taariikhdiisa ka sheekeynayay mar laga sameynayay dukumintari ay BBC-da diyaarisay.

Mane waxa uu sharraxay sida uu ugu waalnaa ciyaarta kubbadda, isagoo xitaa ku ciyaari jiray waxyaabo ay ka mid yihiin miraha iyo dhagaxyada, isagoo carruur ah, maadaama kubbad uusan heli karin xilligaas. Tuuladiisa oo isagoo yar uu ka noqday cunugga ugu laacibsan waxaa looga bixiyay naaneysta ‘Ballonbuwa’, ama ‘bulaca kubbadda’.

Sanadkii 2008-dii, oo ay da’diisu ahayd 16 sano, Mane waxa uu ka dhuuntay qoyskiisa, waxa uuna si qarsoodi ah ugu cararay magaalada Dakar, si uu halkaas uga raadsado koox.

Ugu dambeyn waa la helay, guriga ayaana lagu soo celiyay, balse waxaa laga ballan qaadayin sanadka ku xiga aan iskuul loo diri doonin, waxa kaliya ee uu sameyn doonana ay noqoneyso ciyaarta kubbadda cagta.

3. Shaqada bulshada Muslimka ah

Mane waxaa la sheegaa inuu lacago badan ku bixiyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka saboolka ah ee ku nool meelo ka mid ah waddankiisa Senegal.

Lacagahaas waxaa ka mid ah kuwo lagu xannaaneeyo carruur iyo kuwo musqulo iyo hoy loogu dhisay dad dan yar ah.

Mararka qaarna isaga qudhiisa ayaaba ka qayb qaata adeegga bulshada. Mar sii horreysay waxaa hadal heyn dhaliyay muuqaal laga soo duubay Mane oo gacantiisa ku dhaqaya masjid, arrintaas oo ay dad badan ku ammaaneen.

4. Wuxuu ku dayan jirey El Hadji Diouf

Sadio Mane 10 sano ayuu jiray markii uu xulka qarankiisa ee Senegal gaaray siddeed dhammaadka tartankii Koobka Adduunka ee 2002-dii iyo fiinaalka Koobka Qaramada Afrika.

Kooxda qaranka markaas waxaa ku jiray Aliou Cisse, Khalilou Fadiga iyo El Hadji Diouf.

“Markaas ayay Senegal soo mareen ciyaartoydii ugu cajiibsanaa ee kubbadda cagta,” ayuu yiri Mane.

Saxiibkiisa ay isla soo koreen, Luc, ayaa sheegay in Sadio uu lahaa labo qof oo uu ku daydo: “Xilligaas Sadio wuxuu xiiseyn jiray Ronaldinho, balse sidoo kale wuxuu aad u jeclaa El Hadji Diouf, oo runtii nagu dhiirrigeliyay inaan ciyaarno kubbadda cagta.”

Luc waxa uu intaas ku daray in Mane uu ku yidhi: “Maalin maalmaha ka mid ah waxaan gaari doonaa heerkooda.”

Dadka qaar waxayba hadda ku doodaan in Mane uu hadda gaaray heer ka sarreeya kii Diouf – maadaama uu guulo badan la gaadhay kooxdiisa Liverpool, xulka qarankiisana la qaaday koobka Afrika.

Waxaa xaqiiqo ah inuu Liverpool ka dhigay taariikh ka wanaagsan tii uu ka sameeyay halyeygiisa El Hadji, oo isla kooxdan usoo ciyaaray balse sannadihii dambe cadaawad weyn ay dhex martay ciyaartoyda kooxdiisii hore.

5. Farriintii uu u diray Maxamed Saalax iyo Nabi Kita

Maalmihii ugu horreeyay ee uu furmay tartanka Koobka Qaramada Afrika, Mane waxa uu soo duubay muuqaal uu farriin ugu diray labo xiddig oo ay saaxiib ku yihiin kooxda Liverpool oo ay ka wada tirsan yihiin, kuwaasoo kala ah Maxamed Saalax oo u dhashay Masar iyo Nabi Keita oo u dhashay Guinea.

Isagoo la hadlaya labada ciyaartoy ayuu yidhi: “Farriin khaas ah ayaan u hayaa labadeyda saaxiib, oo kala ah Nabi Keita iyo Mo Saalax. Nasiib darro ciyaarta kama dambeysta ah labo kooxood lama kulmi karo, sidaas darteed waa inaan hal koox ka hor imaado, ma ogi inay noqon doonto Masar ama Guinea, balse ogaada waxaan idiinkaga badinayaa hal iyo eber labadiinna kii uu noqdoba.”

Waxaa cajiib ah in Mane hadalkiisa uu sidii ku rumoobay oo dhammaan kooxihii kale ee Afrika la reebay ka hor inta aysan soo gaadhin fiinaalka, ugu dambeyntiina hal koox oo ah labadii uu sheegayay midkood ay timid fiinaalka, waana Masar.

Isla sidii uu kaftan ahaanta u sheegay ayuuna Masar uga guuleystay, iyagoo uu la socdo saaxiibkiis Mo Saalax.

Markii ay xalay ciyaarta dhammaatay ayaa la arkayay Mane oo sasabaya Saalax oo aad u murugeysan.

6. Dhibaatadii jawiga Yurub

Sanadkii 2011-kii, Mane waxa uu ka tagay Senegal waxa uuna ku biiray koox Faransiiska ka dhisan oo lagu magacaabo FC Metz. Wixii ugu horreeyay ee uu ku baraarugay markii uu Yurub tagay waxay ahayd dabeysha.

Mane ayaa ka sheekeeyay waxa kala qabsaday isaga iyo saaxiibbada kooxdiisa markii uu kasoo baxay qolka dhar baddalashada isahoo garan kaliya xiran. Wuxuu garan jiray jawiga Afrika oo inta badan kuleyl ah.

“Dhammaantood waxay billaabeen inay igu qoslaan anigana ma aanan fahmin,” ayuu yidhi. “Waxay i weydiiyeen, ‘sidey ku dhici kartaa inaad dharkaas soo xiratid?'”

Shan daqiiqo kaddibba wuxuu dib ugu carari jiray gudaha isagoo qarqaraya, marar kalena sidaasoo kale uu khaladkaas u sameyn jiray.

“Gacmaha ayaan gishtay biyo kulul. Taasi ma aysan fiicneyn. Maalintaas wax baa i qabsaday!”

7. Cadaadiska ka heystay taageerayaasha qaranka

Muddo dheer oo uu Mane heer sare ka gaadhay kubbadda cagta, kooxaha uu u ciyaarayna ay ka faa;iideysteen xirfaddiisa, wax sidaas u weyn uma uusan qabanin qarankiisa.

Sidaas awgeed, inkastoo taageerayaasha waddankiisa ay jeclaayeen haddana waxay ku hayeen cadaadis xoog badan oo ka imaanayay inuu kor u qaado xulka Senegal.

Sanadkii 2017-kii, Koobka Qaramada Afrika ciyaar fiican kuma uusan soo bandhigin marka uu waddankiisa u ciyaarayay. Waxa uu dhalin waayay gool ku laad loo dhigay ciyaartii siddeed dhammaadka ahayd.

Sanadkii 2019-kiina, xaaladdaas wax sii xumaatay kaddib markii Senegal ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Koobka Qaramada Afrika guul darro kala kulmeen Aljeeriya oo koobka uga qaadday hal gool iyo ebar.

Balse sida cad, hadda Mane waxa uu iska dajiyay culeyskii dhinaca Qaranka, waddanka Senegal meelo badan oo ka mid ahna waxaa xalay looga dabaaldegay guusha ay soo hoyiyeen ciyaartoyda qaranka. Mane ayaa dhaliyay goolkii ugu dmabeeyay ee guusha ay ka gaareen xulka Masar.

@Bbc Somali