Sidee loo soo dhaweeyay Xulka Senegal ee hantay koobka Afrika?

Bbc Somali
Xulka kubadda cagta ee Senegal ayaa soo dhaweyn ballaadhan oo halyeynimo ah waxaa loo sameeyay markii ay dib ugu laabteen dalkooda kaddib markii ay markii ugu horraysay ku guulaysteen Koobka Qaramada Afrika.

Tobannaan kun oo qof, oo qaarkood ay gawaadhi ku dul fadhiyaan misana lulayaan calamo, ayaa waxa ay isugu soo baxeen si ay u soo dhaweeyaan ciyaartoyda markii ay soo cagadhigtaan Dakar iyagoo gacmahooda ku wada koobka ay soo qaadeen.

Madaxweyne Macky Sall ayaa ka mid ahaa dadkii ciyaartoyda soo dhaweeyay ee salaamayay.

Waxa ay aheyd xaflad lagu qabtay wadada dhexdeeda. Ma filaayo in Senegal weligood waxan oo kale ay ka dhaceen, ayey tidhi weriyaha BBCda Emeline Nsingi Nkosi.

Dabaaldegyada ayaa waxa ay bilowdeen durbadiiba markii lagu dhawaaqay siidhigii ugu dambeeyay ee ciyaartii habeenkii Axadda, ilbidhiqsiyo kaddib markii laacibka kooxda Liverpool Sadio Mane uu xulkiisa u xaqiijiyay guusha taariikhiga ah ee ay ka gaadheen gool ku laadyadii ay uga badiyeen xulka Masar.

Dadka ayaa isugu soo baxay waddooyinka Dakar, iyagoo qoob ka ciyaaraya oo bulaleer hawada u ganaya.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay markiiba ku dhawaaqeen in Isniinta ay maalin feesto qaran

“Muddo dheer ayaannu arrintan sugaynay. Ugu dambayntii [koobkii] halkan ayuu yaal. Dhab ahaantii waynu u baahnayn,” taageere ay farxaddu ka badatay Modou Ba, oo 25-jir ah, ayaa u sidaasi u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Sidoo kale waxaa laga dabaaldegay caasimadda waddanka Faransiiska ee Paris, halkaas oo hoy u ah bulsho badan oo reer Senegal ah. Kumannaan qof oo taageerayaal dabaaldegaya ayaa isugu soo baxay.

Gool ku laadka guusha horseeday waxaa dhaliyay Sadio Mane, kaas oo baraha bulshada soo dhigay isagoo sariirta la saaran koobka, sidoo kalana xidhan biladda kooxda tartanka ku guulaysato la guddoonsiiyo

Madaxweyne Sall ayaa soo gaabiyay booqasho uu dalal shisheeye ku marayay si uu si rasmi ah ugu soo dhaweeyo horyaalka Afrika maalinta Talaadada ah.

Farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka, ayuu ugu hambalyeeyay kooxda, isagoo sheegay: “Ciyaar cajiib ah ayey aheyd! Waad guulaysateen. Waa waqti qurux badan oo la soo bandhigay xirfad kubadda cagta ah, waa waqti qurux badan oo la muujiyay midnimo iyo sarrayn qaran. Waxaan u hambalyeynayaa halyeeyadeenna.”