Jarmalka oo la saftay xulafadiisa NATO ee xiisadda Ukraine

USA-(Berberanews)-Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa ku adkaystay in Maraykanka iyo Jarmalku ay isku mid yihiin marka ay timaado Ruushka iyo Ukraine.

Scholz waxa uu sheegay in jawaabta NATO ee ku wajahan duulaanka Ruushka ee suurtagalka ah la midayn doonto xulafadiisa.

“Dhammaan tillaabooyinka aan qaadi doono si wadajir ah ayaan u sameyn doonnaa,” Scholz ayaa yidhi.

“Sida uu madaxweynuhu sheegay, waan u diyaar garoobayna arrintaas, waad fahmi kartaan oo aad si buuxda u hubin kartaan in Jarmalku uu la mid noqon doono dhammaan xulafadiisa iyo gaar ahaan Maraykanka, in aanu qaadno tallaabooyin isku mid ah, ma jiri doono wax khilaaf ah oo arrintaas ku saabsan.”

In kasta oo Scholz uu ballanqaaday, dhuunta Nord Stream 2 ee $11 bilyan oo lagu waday in ay gaaska dabiiciga ah ee Ruushka geyso Jarmalka ayaa mugdi gashay ka dib booqashadii hoggaamiyaha Jarmalku ku tagay Aqalka Cad Isniintii.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa si cad u sheegay in dhuumahaasi la joojin doono haddii uu Ruushku duulaan ku qaado dalka Ukraine.

“Fikirka Nord Stream 2 wuxuu noqon lahaa mid hore u sii socda laakiin duulaanka Ruushka ma dhacayso,” Biden ayaa yidhi.

Si kastaba ha ahaatee, Scholz, si gaar ah ugagama hadlin shirka jaraa’id dhuunta , marka laga reebo in labada waddan iyo NATO ay isku mowqif ka yihiin marka ay timaaddo cunaqabataynta iyo ka jawaabista gardarrada Ruushka.