“Golaha Wakiilladu awood uma leh inuu xilka ka qaado xubin Wasiirra” Guuleed Dafac

“Anigu waxa aan ku jiraa qareennada aaminsan inaan Golaha Wakiilladu awood u lahayn inuu xil ka qaado ama kalsooni kala noqdo xubin ka tirsan Golaha Wasiirrada. Waxa aan qabaa in taasi u gaar tahay dalalka nidaamka baarlamaaniga ah isticmaala (parliamentary). Haseyeeshee, waan qabaa inaan masuul dastuurku waajibiyey in Golaha Wakiilladu u yeedhi karo in aannu diidi karin. Awooddaas yeedhmo ee labada Gole ee Baarlamaanku leeyihiin ciddii ku xadgudubta waxa ay jebisay dastuurka oo waa in maamuuska looga xayuubiyo si waafaqsan dastuurka. Qaabka maamuuska looga xayuubin karo xubin ka tirsan Golaha Wasiirrada waxa ay ku qoran tahay Dastuurka laftiisa”….. Garyaqaan Guuleed Dafac