Warbaahinta WADDANI oo ka qayliyey kulan la filayo inuu dhexmaro Biixi iyo siyaasi Xaashi

Warbaahinta sida weyn u taageera xisbiga mucaaradka ee WADDANI, ayaa si adag uga qayliyey kulan-siyaasadeed la filayo inuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo siyaasiga caanka ah ee Maxamuud Xaashi Cabdi dhexmaro caawa.

Akhri warbintan warbaahinta WADDANI ka qareen kulankaas iyo saamaynta uu ku yeelan doono taageerada siyaasadeed ee xisbigooda iyo Xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE, iyagoo si gaar ahna warbixintooda ugu weeraray siyaasi Xaashi.
“Waxa toddobaadyadii la soo dhaafay cirka isku shareeray kulamada qarsoodiga ah iyo kuwa muuqanaya ee ay yeelanayaan siyaasiga debedyaalka ah ee Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xubnaha metelaya xisbiga Kulmiye, kuwaas oo u badan beesha Madaxwaynaha. Kulamadan oo ay bar bilowgiisa lahaayeen xubnaha Beesha Madaxwayne Muuse ku metela Golaha Wakiillada oo uu codsi rasmi ah u gudbiyay Siyaasi Maxamuud ayaa daaran sidii Xaashi looga maslixi lahaa Muuse Biixi oo debedda u tuuray ka dib markii uu ka dhammaystay dantii uu ka lahaa 2017.
Xogaha hoose ee mareegta Raacdo News  heshay, ayaa tibaaxaya in siyaasigan debedmeerka ah oo ay si dhaw ula taliyaan xubno dhallinyaro ah oo jifadiisa hoose ah oo qaab qabiil u abaabulan ay u soo bandhigeen inaanay suurtogal ahayn in haddii uu urur furto aanu soo baxayn, maadaama uu xisbigiisii keli ka yahay oo aanay jirin cid raacsan, sidoo kalena uu kala dilay Beesha Bariga Burco oo uu aad u kala guray intii uu meehannaabayey.
Xoguhu waxa ay intaa ku darayaan in dhallinyaro uu isku hallaynayey oo laga soo aruuriyey maqaaxiyaha Hargeysa uu kala kulmay diidmo af-kalaqaad ku noqotay, kadib markii ay si cad ugu sheegeen in aannu – Maxamuud Xaashi –  u dhaqmin sidii siyaasi meteli kara Beesha Bariga Burco dhammaanteed, balse uu u dhaqmay sidii xildhibaan metela jufo ka mid ah taas oo ay waliba u soo bandhigeen weedho uu aad ugu duray qayb ka mid ah beeshaas halka uu nacayb ka buuxiyey dhallinyaro ay iski jufo yihiin.
Dhacdooyinkan kadib siyaasigani waxa uu Beesha Madaxweynaha ka codsaday in ay ka afgartaan Madaxwayne Biixi, taas oo la sheegay in xubnihii u kala dabqaadayey uu Madaxwaynuhu ka codsaday in uu horta soo raalligeliyo, lana soo kulmyo siyaasiyiinta Kulmiye ee uu ku gefay oo ay ka mid yihiin xildhibaan Faratoon, Maxamed Kaahin iyo Xasan Gaafaadhi kadibna uu la kulmayo.
Kulamaas oo Maxamuud yeelay ayaa la rejaynayaa in kadib uu caawa madaxwaynuhu ku qaabilo qasriga Madaxtooyada.
Maxamuud Xaashi ayaa la filayaa in uu shuruud la’aan ku dhiso mar labaad Madaxwayne Muuse Biixi kadib markii uu awoodi waayey in uu go’aan qaato, keligiina socon kari waayey,” ayaa lagu yidhi qoraalka warbaahinta xisbiga WADDANI.