Hoggaamiyayaasha Qadar iyo Imaaraadka oo kulankii u horreeyay yeeshay muddo dheer

China-(Berberanews)-Amiirka Qatar ayaa garoonka Beijing kula kulmay hogaamiyaha Imaaraatka Carabta, waana kulankii ugu horeeyay ee dhex mara labada hogaamiye ee Khaliijka tan iyo markii la soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay Doha iyo afar wadan oo Carbeed sanadkii hore.

Amiir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa la kulmay Dhaxal sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, xilli ay ka qeyb galayeen qado uu sameeyay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping Sabtidii, wakaalada wararka ee Qatar ayaa sheegtay Axadii.

Shabakadda wararka ee Imaaraadka Carabta ayaa baahisay muuqaal muujinaya labada hoggaamiye ee Khaliijka oo hadlaya.

Hogaamiyeyaasha Uzbekistan, Ecuador iyo Tajikistan ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa kulanka oo ka dhacay hoolka weyn ee shacabka ee magaalada Beijing, sida uu sheegay telefishinka qaranka ee CCTV.

Imaaraatka Carabta ayaan wali soo celin xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Doha tan iyo markii Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay ku heshiiyeen January 2021 in la soo afjaro khilaaf afar sano ah oo sababay in ay xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale u jaraan Qatar badhtamihii 2017.