Doodda sharci ee ka taagan Wakiillada iyo Wasiirka

Dood weyn oo sharci ayaa maanta ka taagan Somaliland. Wasiir yaa xilka ka qaadi kara? Ma Wakiillada mise madaxweynaha? Wakiilladu ma dhadhaarka fulinta oo isku duuban ayey kalsoonida kala noqon karaan? Mise hay’ad ka mid ah fulinta? Mise masuulka maamula hay’addaas?

Qodobka 53aad ee Dastuurka ayaa sheegaya in Wakiilladu u yeedhi karaan masuul maamula hay’ad ka mid ah waaxda fulinta, laakiin ma sheegayo hadduu iman waayo ciqaabta ka dhalanaysa, waa arrin maamul, mana jiro xeer dambi ka dhigaya.

Arrinta kalsooni kala noqoshada wasiirka waxa ka qummanayd inuu baarlamaanku hakiyo wada-shaqaynta fulinta oo ay waliba madaxa fulinta oo madaxweynaha qaranka ah u qoraan warqad. Kalsooni kala noqoshadu maaha mid saamaynaysa sharcinimada xilkiisa, dalkuna ma aha nidaamka baarlamaan ee waa nidaan madaxweyne.  Madaxweynaha oo keliya ayaa awoodda xil ka qaadista leh, cid kalena lama wadaagto. Eeg qodobka 94aad ee Dastuurka.

Waxa qoray Cabdiraxmaan Tarabbi.