Somaliland oo hambalyaysay Djibouti doorashada Golaha ammaanka Afrika

Djibout-(Berberanews)-Dowladda Somaliland, ayaa bogaadisay Dowladda Djibouti oo lagu doortay inay xubin ka noqoto Golaha Nabadda iyoAmaanka Midowga Afrika (African Union Peace and Security Council (AUPSC), muddo sadex sano ah.

“Hambalyo Jabuuti oo loo doortay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika. Tani waa guul ay aad ugu qalanto, waxaana rajeyneynaa wax ku biirinteeda.” Sidaa waxa lagu baahiyay Barta Twitterka ee Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland.

https://twitter.com/somalilandmfa/status/1489708511567228935?t=eTMwPAF358IBYzVl_CICXg&s=19

Nigeria, Cameron, Djibouti, Moroco iyo Namibia, ayaa lagu doortay shirkii Golaha Ammaanka Midowga Afrika oo shalay ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

African union

Madaxda dalalka Afrika ayaa isugu tagay xarunta Midowga Afrika si ay u furaan shir-madaxeed laba maalmood socon doona, iyadoo qaaradda Afrika ay la daalaa dhacayso afgambiyada militariga iyo cudurka faafa ee coronavirus.

Shir madaxeedkan oo bilaabmay sabtidoi ayaa sidoo kale waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo 55-ka xubnood ee ururkan ay wajahaan cadaadis ay ku riixayaan in xabad joojin laga sameeyo dalka martida loo yahay ee Ethiopia, halkaas oo dagaal socday 15 bilood ay ku dhinteen kumanaan qof.

Ururkan oo la sameeyay 20 sano ka hor si uu u horumariyo iskaashiga caalamiga ah iyo iswaafajinta siyaasadaha wadamada xubnaha ka ah, ayaa waxa ay u halgamayeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen lix afgambi ama isku day afgambi oo Afrika ka dhacay 18-kii bilood ee la soo dhaafay, awood qabsiga ayaa ah mid ka mid ah ajandayaasha shir madaxeedka.
Afar waddan oo xubno ka ah ayaa waxaa shaqada ka joojiyay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika tan iyo bartamihii 2021-ka, sababo la xidhiidha isbeddello aan dastuuri ahayn oo dowladeed, oo ay ugu dambeysay Burkina Faso oo askartu ay afgambiyeen Madaxweyne Roch Marc Christian Kabore bishii hore.

Berberanews.com
Info@berberanews.com