Morroco: Wiil 5 shan jira oo laga soo saaray God uu ku jiray oo geeriyoodeey

Moroco-(Berberanews)-Wiilkii shan jirka ahaa ee u dhashay waddanka Marooko ee muddada shanta maalmood aheyd ku xayirnaa ceelka ayaa geeriyooday.

Bayaan ka soo baxay boqortooyada ayaa lagu shaaciyay geerida wiilka waxyar uun kaddib markii laga soo saaray ceelka kaddib dedaal muddo dheer oo la doonayay in lagu soo samatabixiyo.

Boqor Maxamed-ka 6-aad oo ah boqorka dalkaasi Marooko ayaa u tacsiyeeyay waalidiinta dhalay Rayan.

Iskudaygii lagu doonayay in wiilkaas godka loogaga soo saaro ayaa waxa uu soo jiitay indhaha dadka dalkaasi, iyadoo boqollaal qof ay isugu soo uruureen ceelka halka kumannaan kun oo kalana ay dhacdada kala socdeen dhanka online-ka.

Wiilka ayaa waxa uu ku dhacay ceel hoos u qodon 32m oo waxa uu kaga dhacay dalool yar oo biyaha laga soo saari jiray.

Howlwadeennada gurmadka degdega ayaa muddaba ku mashquulsanaa sidii ay wiilkaasi nolol ugu soo bixin lahaayeen, hasayeeshee waxaa dedaalladii ay wadeen curyaamiyay cabsi laga qabay in dhulku uu go’o.

Muuqaal Khamiistii lagu soo duubay kaamaro hoos loogu dhaadhiciyay ceelka ayaa muujisay wiilka oo nool dareenkiisuna uu joogo, hasayeeshee wixii markaas ka dambeeyay ma jirin xog kale oo dheeraad ah oo ku saabsan xaaladdiisa.

Waxaa aad looga walwalsanaa sida uu ku helayo neefta Oxygen-ta ilaa inta laga soo bixinayo.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa laga dhur sugayay kooxda badbaadinta oo godka galay islamarkaana wiilka usoo saarayay dibadda. Qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ayaa godka la galay kooxda badbaadada si ay ula tacaalaan haddii uu halis caafimaad ku sugan yahay.

Waxaa lasoo tabiyay in wiilka yar aanu wax cunin waxna cabin muddo shan maalmood ah. Sidoo kale khubarada caafimaadka ayaa ka walwalsan in maadaama ceelka uu ku dhacay uu aad u dheeryahay ay dhaawacyo gaadheen.

Heer kulka gobolka ayaa gaadha heer aad u sarreeya oo noqon kara 40 digrii ilaa 50 digrii, taasoo dhibaato weyn ku noqoneysa qof god ku jira.

Ceelkan ayaa u sameysan god aad u dhuuban oo qof caadi ah aanu gali karin, wuxuuna ka duwan yahay qaabka loo qodo ceelashada Soomaalida. Dhulka oo buuraley ah ayaa adkeeyay shaqada gurmadka.

@bbc Somali