Iran oo soo dhawaysay cunaqabatayntii Maraykanku ka khafiifiyay

Iran-(Berberanews)-Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in go’aanka Mareykanka uu ku soo celinayo cunaqabateynta ka dhaafista barnaamijka Nukliyeerka rayidka uu ahaa “mid wanaagsan balse kuma filna” iyadoo wadahadalada aan tooska ahayn ee Tehran iyo Washington ay ku doonayaan in dib loogu soo nooleeyo heshiiskii nukliyeerka ee 2015 uu galay heerkii ugu dambeeyay.

Cunaqabatayntan, oo u ogalaatay shirkadaha Ruushka, Shiinaha iyo Yurub in ay ka fuliyaan shaqada aan la faafin karin ee xarumaha Nukliyeerka Iran, ayaa maamulka Trump uu laalay May 2020, laba sano ka dib markii Maraykanku uu ka baxay heshiiskii taariikhiga ahaa.

“Ka qaadista cunaqabateynta qaarkood, marka la eego macnaha dhabta ah ee ereyga, waxay u tarjumi kartaa rabitaankooda, Maraykanku wuu ka hadlaa, laakiin waa in la ogaadaa in waxa warqad ku dhacaya ay yihiin kuwo wanaagsan laakiin aan ku filnayn,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Hossein Amirabdollahian. oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee ISNA.

Amirabdollahian ayaa ku celiyay in mid ka mid ah “arrimaha ugu muhiimsan” ee wadahadallada nukliyeerka ay tahay helitaanka dammaanad ah in Maraykanku aanu mar kale ka bixi doonin heshiiska 2015.
“Waxaan raadineynaa oo aan dalbaneynaa dammaanad qaadka dhinacyada siyaasadda, sharciga iyo dhaqaalaha,” ayuu yidh, isagoo raaciyay “heshisyo lagu gaadhay meelaha qaarkood”.