Abbiy oo sheegay in farogelinta shisheeye sii cakirtay xaaladda Gobolka Tigray

Addis Ababa -(Berberanews)-Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed, ayaa soo bandhigay go’aan dawladdiisu ku xaqiijinayso nabad waarta oo ka dhalata dalkiisa, kaddib shan iyo toban bilood oo dagaallo ah.
Ra’iisal-wasaare Abiy oo khudbad ka jeediyey furitaanka shir-madaxeedka hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika oo ka furmay magaalada Addis Ababa maanta, waxa uu sheegay in colaadda ka jirta Gobolka Tigray ay sii cakirtay faroglinta shisheeye.
Maraykanka,wadamada Yurub iyo Qarammada Midoobay, ayaa si joogta ah u iftiimiyey xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ay geysanayaan dhammaan dhinacyada ku dagaallamaya Gobolka Tigray, taasoo ka cadhaysiisay madaxda Itoobiya.
Ra’iisal-wasaare Abiy, ayaa ku baaqay in loo baahan yahay in caqabadaha Afrika xal loo helo, wuxuuna dhaleeceeyey warbaahinta reer galbeedka ee dhanka tabinta dhacdooyinka Afrika.
Shirka Midowga Afrika waxa sidoo kale lagaga hadli doonaa masiibada xannuunka Covid-19 iyo saamaynta isbeddelka cimilada dunida.