Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo beeniyay hadal ka soo yeedhay wasiirro

Hargeysa -(Berberanews)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa waxba kama jiraan ku sifeeyey hadal ka soo yeedhay wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo sheegay inuu dhaqangal yahay Xeerka Caymiska Qaranka.
 Guddoomiyaha oo hadal ka jeediyey fadhigii Golaha Wakiillada ee maanta, ayaa hadalka masuuliyiintaas ku tilmaamay sharci-darro, isagoo xusay in aanay wasiirrada iyo masuuliyiinta kale waxba jidayn ee sharci wax jideeyo, xeerka Caymiskuna horyaallo golahooda oo iyaga keliya awood ku leh go’aan ka gaadhistiisa.
Guddoomiye Khaliif oo ka hadlayey arrintan waxa uu yidhi; ‘Xildhibaan ayaa ila wadaagayey shirkii maalintii dhawayd la qabtay ee shirkaddaha Caymiska in wasiirradii iyo xildhibaannadii ka qaybgalay ay sheegeen in maanta laga bilaabo –  maalintii ay hadleen – ay dhaqangal tahay, lana fulinayo Caymiska. Taasi waa sharci-darro, cidda wax jidaynaysaa iyaga maaha, sharcina ma jidayn karaan, dhaqaale aan la jidayna ma qaadi karaan.”
“Waa sharci-darro haddii ay tahay sidaasi xildhibaannadu ila wadaageen. Anigu ma dhegeysan, laakiin mudaneyaal saddex xildhibaan ka badan ayaa ila wadaagay.
Waxaan jecelahay oo aan leeyahay arrintaas caymisku innaga (Golaha Wakiillada) ayey sugaysaa oo hortaallaa,” ayuu sii raaciyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.