Halaga daayo Ciidammada Qaranka Xafladaha Reeraysan iyo Kooxaysan

Ciidammada Qaranka ee darajooyinka la siisay madax iyo askarba in shacabka iyo bulshada kale madax iyo minjo midkay doonto ha ahaatee ay u qabtaan xubnaha ciidanka xaflado iyo baadhiyo gaar ah waxa ay khilaafsan tahay shuruucda iyo dhaqanka ciidammada.

Xubnaha ciidammada iyo madaxdoodu toona inay aqbalaan oo ay oggolaadan in ciidammada cid madaxdooda ka baxsan xaflado u qabtaab oo ay tagaan ma aha, ee madaxdu arrintaas dhaqanka ciidammada ka baxsan ee curatay ha ka hortagaan inta aanay fari togdheer inala xulin.

Hannaankii iyo asluubtii ciidannimo meeshuu ka baxayaa haddii uu dhaqankani sii socdo.

Xuseen Shabeel Cabdillaahi