Uganda oo saxiixday heshiis shidaal oo qiimihiisu dhanyahay  $10 bilyan

Uganda-(Berberanews)-Shirkadaha Shiineeska iyo Faransiiska ayaa kala saxiixday heshiis u horseedi kara $10bn (£7.4bn) oo maalgashi ah oo lagu horumarinayo goobaha shidaalka Uganda.

Heshiiska ayaa sidoo kale u gogol xaadhaya in la dhiso dhuumo shidaal qaada oo gaadhaya 1,440km (900 mile) kuwaasoo ka imaanaya dalka Uganda oo aan bad lahayn kuna wajahan dekedda Tanga ee Tanzania ee ku taal badweynta Hindiya.

Waxaa lagu qiyaasaa in harada Albert, oo ku taal xadka Uganda ay la wadaagto Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, uu ceegaago in ka badan 6.5 bilyan foosto oo saliid ah.

Dadka deegaanka ayaa isku dayaya in ay joojiyaan mashruuca, iyaga oo sheegay in uu khatar gelinayo hab-nololeedyada jilicsan, oo uu horseedi doono barakaca tobanaan kun oo qof.

Berberanews.com
Info@berberaneews.com