Maxaa ka jira in wefti ka socda Aqalka Ruushka ay ku sugan yihiin Hargeysa?

Wefti Kremlinka Ruushka ka socday oo labadii maalmood ee u dambeeyey booqasho ku joogay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeisa, ayaa kulamo albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay madaxda ugu sarreeya dawladda Somaliland.

Weftiga Ruushka oo ka socda guriga looga taliyo dalkaasi ee Kremlinka, ayaa toos uga soo duulay magaalada Moosko iyagoo ku safrayey diyaarad khaas ah.

Lama garanayo waxay ka wada hadleen labada dhinac. Weftiga Ruushku u soo diray Somaliland ayaa ku soo beegmaya, xilli xiisad adag ay ka taagan tahay waddanka Ukraine , oo ciidammo aad u badan uu Ruushku dhoobay xadka uu la wadaago dalkaasi, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalkii saddexaad ee dunidu uu ka qarxo halkaas. 

#Confirmed
Saleebaan Xuquuq