Madaxweyne Biixi:  “Waxa la yaab ah in madaxda Soomaaliya dabka nala soo gala yidhaahdaan”

Hargeysa  -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay damaca madaxda dawladda taagta daran ee Soomaaliya ee shacbiga reer ugu baaqaya inay qayb ka noqdaan dhibaatooyinka dalkooda ka jira.
Madaxweyne Biixi oo hadal ka jeediyey munaasibad lagu xusay 28-guurada Ciidanka Qaranka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa maanta, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Somaliland iyo Soomaaliya mid walba dhankeeda isku dhisto, maadaama midowgii lagu hungoobay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ahaan ay ku faraxsan yihiin in dawladda Soomaaliya dhisanto oo hurumarna gaadho.
“Dhibaato ayaa innaga gaadhay oo waynu dunnay, markaa labadii dawladood mid waliba gaarkeeda haysku dhisto oo ha socoto, annagu in ay dhismaan, iyagoo qoladii Talyaanigu haysan jiray ah oo ay horumaraan, kuwii jira ahaada oo soo kora ayaannu leenahay.”
Dhinaca kale, Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu maamulka Muqdisho ku eedeeyey in ay doonayaan inay shacabka Somaliland galiyaan dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.
“Taliska Muqdisho ka taliya weli waxa ka dhaadhici la’ waar 30 sanno ayeynu midaysnayn oo waynnu is eednay oo waynu isla dunnay, 30 sanno ayeynu kala maqnayn oo wax badanba yaanaan gaadhine, nabad, horumar iyo dawlad dhis baannu ku jirnaa, idinkana dhibaato ayaa idin haysata. Waxa la yaab ah in aad dabka nala soo gala tidhaahdaan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Ugu dambayn, Madaxweynaha waxa uu sheegay in shacabka Somaliland ay mudan yihiin in lagu tixgaliyo doonistooda, isagoo xusay in aanay cidna dagaal kula jirin, isla markaana jirin sharci Jamhuuriyadda Somaliland jabisay oo ka mid ah axdi-qarameedkii Afrika dhisanayd ee isticmaarku dajiyey.