Laba sarkaal oo lagu toogtay Kuliyadda Bridgewater ee Virginia

Virginia-(Berberanews)-Laba sarkaal oo ka tirsan jaamacadda ayaa la toogtay oo la dilay salaasadii Kuliyadda Bridgewater ee Virginia, sida uu sheegay afhayeenka kulliyadda Logan Bogert.

“Waxaan xaqiijin karaa in askari ka tirsan booliiska jaamacadda iyo sarkaal badbaado ka tirsan ay u dhinteen dhaawacyo rasaas ah maanta,” Bogert ayaa u sheegay CNN Josh Campbell.

Madaxa Koleejka David Bushman, ayaa fariin uu soo dhigay barta Facebook-ga ee iskuulkaasi ku sheegay in toogashadaasi ay ahayd “musiibo aan la soo koobi karin”.

“Sarkaal ka tirsan booliiska jaamacadda John Painter iyo sarkaalka amniga kambaska JJ Jefferson ayaa lagu toogtay oo lagu dilay jaamacadda iyagoo na ilaalinaya,” Bushman ayaa qoray.
“Saraakiishan waxay ahaayeen saaxiibo dhow, oo qaar badan oo naga mid ahi ku yaqaaneen  ‘duo firfircoon’.
John wuxuu ahaa ninka ugu wanaagsan. Waxay ahaayeen kuwo ay jecel yihiin ardayda, macalimiinta, iyo shaqaalaha. Waxaa dhaawacmay qoysaskooda iyo kuwa ay jecel yihiin, sida aan ogahay dhammaanteen.”

Booliska Gobolka Virginia ayaa tuhmanaha ku sheegay Alexander Wyatt Campbell oo 27 jir ah kana soo jeeda Ashland, Virginia.

Campbell ayaa lagu soo oogay laba dacwadood oo culus oo ah dil toogasho ah, hal kiis oo ah dil darajada koowaad ah iyo hal dacwad oo dembi ah oo la xidhiidha isticmaalka hubka  afhayeenka booliiska gobolka Virginia Corinne Geller ayaa sidaas ku sheegtay shir jaraa’id oo habeenkii salaasada qabtay.

Berberanews.com
Info@berberanews.com