Culimo, Hoggaamintiina Maanta waa loo Baahan Yahay

Faalo: Xuseen Cali Nuur
Marxalad kasta waxay leedahay hoggaamiyeyaasheeda, qorshaheeda iyo qaab dhaqan gelineed u gaar ah. Marxalad kastaa waxay ku xidhan tahay arrimaha iyo duruufaha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo qaababka lagu waajahayaa kala duwan yihiin.

Dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha gudaha maanta Jamhuuriyadda Somaliland ay hanatay, waa mid naadir ah oo aan lagu arag Afrika iyo dalal badan oo kale oo qaaradaha dunida ee kale ku yaalla.

Guulahan oo lagu faani karo, waxa shacbiga Somaliland tixgelin ka helay dunida, dalalka saaxiibka la ahina aad bay ugu farxeen. Hase ahaatee cadowga iyo inta gacanta siinaysaa way liqi la’yihiin.

Horumarka dhaqaale waa mid u qaadan waa ku noqday dalal badan, markay barbar dhigaan sannadahan COVID-19 uu qaab nololeedka caalamka qalaabaa-rogay. Waxaana innagu waajib ah u noqoshada ILAAHAY iyo mahadnaqiisa.

Waxa haatan weerar qarsoon oo cadowga iyo danaysteyaal ku hayaan bulshada guud ahaan, gaar ahaana da’yarta. Da’yarteenna waa keydka ugu weyn ee dalka, xoogga waxqabad ee maanta, lana filayo inay ahaadaan hoggaamiyeyaasha, madaxda iyo masuuliyiinta mustaqbalka ee dalkeenna hooyo. 

Cadowgu wuxuu hub ahaan u adeegsanayo, waxa u badan maandooriyaha xashiishada ah iyo khamriga. 

Bishii January ee aynu soo dhaafnay waxay boolisku goob qudha gacanta ku dhigeen 100 kiiloo oo xashiishad ah. Haddii Boqol kiiloo oo sigaar ah la qaybinayo bulshada intee in leeg ayuu ka gaadhi lahaa?

Culimada ayaan u arkaa inay hoggaamiyaan dagaalka maandooriyeyaasha ee haatan lagu jiro. Maandooriyuhu nooc kasta oo uu yahay waa xaaraan. Xaaraanina yar yareysi ma leh.

Maandooriyuhu wuxuu dhaawac weyn u geystaa iimaanka iyo diinta. Qofka isticmaalana maankiisa iyo awooddiisa waxgarad ayuu wax u dhimaa. Wuxuu qofka ka dhigaa mid nasakh ah oo aan naftiisa u talin, aan xakamayna karin.

Xashiishadu waxay halis ku tahay hantida iyo maalka qofka. Waxay ka qaadaa sharafta iyo karaamada. Waxay u horseedaa una gogol-xaadhaa dambi kasta oo xun oo tuugadu u horreyso, kuna dhammaanta dil.

Culimada ayaa maanta looga baahan yahay inay noqdaan hoggaamiyeyaasha la dagaalanka maandooriyeyaasha, wacyigelinta ku wajahan. Waxaana u sabab ah:

• Bulshada oo kalsooni weyn ku qabta culimada.
• Masaajidyada oo ah goobaha lagu cibaadaysto oo maalintii shan jeer ugu yaraan la iskugu yimaado.
• Iyagoo aqoon wanaagsan u leh diinta, wacyigelintooduna aanay ku sallaysnayn siyaasad.
• Aqoonyahannada oo masaajidyada ka wacyigelin kara dhibaatada maandooriyaha xashiishaddu u leeyahay bulshada.
• Culimada oo jaamacadaha, dugsiyada, xabsiyada muxaadarooyin iyo duruus ka bixin kara.

Waxay ila tahay culimada oo kaashata warbaahinta guud iyo baraha bulshada, shacbiga oo la shaqeeya ciidanka nabadgelyada waxay guullo weyn ka soo hoyn kartaa la dagaalanka xashiishada iyo maandooriyeyaasha kale.

Waxaan leeyahay guulo weyn ayaa lag soo hoyn karaa, waana lagu badbaadin karaa da’yarteenna halista qarka u saaran. “AAN U HIILINO DIINTA, DADKA IYO DALKA.”