“Waxaanu nahay muwaaddiniin xaq u leh in ay urur furtaan.” Xaglotoosiye

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye oo ka jawaabay eedaymo uga yimi Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI.

“Aflagaadadu ma wanaagsana. Waan iskaga dul qaadanaynaa. Cabdiraxmaan Cirro markii uu ururka furanayey dawladda ayaa wadata ayaa la lahaa. Waxa aannu nahay muwaaddiniin xaq u leh in ay urur furtaan. Xaqii shalay Cabdiraxmaan siiyey inuu furto WADDANI, kii ayaannu ku furannay annaguna. Waxa aan leeyahay kalsoonidu yaanay idinka lumin, haddii aanay dadka idin rabin soo noqon maysaan,” sidaa waxa yidhi Dr Ciise Axmed Xaglotoosiye.

Berberanews.com
Info@berberanews.com