Hargeisa- 01-02-2022-(Berberanews) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu dhamaal hambalyo ah u dirayaa Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, sannad-guurada 28aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu farriintan hambalyada ah u dirayaa saraakiisha kala duwan, saraakiil kuxigeennada iyo dhammaan ciidammada qaranka qaybahooda kala duwan.
Sidoo kale, wasiirku waxa uu hambalyo taas la mid ah u dirayaa ciidanka qaranka xaasaskooda iyo carruurtooda, waxaannu u rajaynayaa guul iyo barwaaqo in ay ku gaadhaan sannadkan sannadkiisa.
Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxa la aasaasay bishii 02/02/1994-kii, tan iyo waqtigaasna Ciidammada Qaranku waxay u taagan yihiin difaaca qaranka iyo ilaalinta bulshada Somaliland, waxayna Ciidammada Qaranku shacabka Somaliland ugu suntan yihiin geesiyaal dhiigga u shubay qaranka.
ALLAA MAHAD LEH