Waa kuma Soomaaliga Kenya u gacangelisay UK ?

Kenya ayaa tarxiishay muwaadiniin u dhashay dalka Britain, kuwaasi oo loo haysatay dacwad dil ah oo ka geysteen dalkaasi Britain.

War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda dambi baadhista dalka Kenya ayaa lagu sheegay in dambi-baadhayaashu ay raggan ka soo qabteen xaafad ku taala mgaalada Nairobi oo lagu magacaabo Kilimani, halkaasi oo ay ku dhuumaaleysanayeen.

Maxamuud Siyaad Abdixakiim oo 24 jir ah iyo Monteiro Tariq Kennedy Mangal, oo 21 jir ah ayaa lasoo xidhay kaddib markii ay laamaha ammaanka heleen xogo sirdoon ah.

Raggan ayaa waxaa loo heystaa inay dileen wiil 16 jir ah oo magaciisa lagu sheegay Alex Smith, kaas oo toori lagu dilay gudaha xaafadda Camden sanadii 2019-kii.

Booliska Britian ayaa rumaysan in mid ka mid ah labada nin ee baxsadka ahaa ee la qabtay uu fuliyay weerarka toorida, halka midka kalena uu saarnaa mid ka mid ah labo baabuur oo la xaday oo ku lug lahaa dhacdadaasi.

Falkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay xifaaltanka budhcadda.
Dambi baadhayaasha ayaa sheegay in Tariq uu watay kaadhka aqoonsiga Soomaaliya oo uu ku qoran yahay magaca Cabdulahi Abshir Maxamed iyo tooreey. Labo nin oo kale oo iayaguna lala xidhiidhinayay dilka wiilkaasi 16-jirka ah oo hore loo xukumay ayaa xabsi ku yaalla UK ku dhameystay muddadii lagu xukumay

@Bbc Somali