Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya oo Imaaraadka kala hadlay isticmaalka Dekedda Berbera

Abu Dhabi -(Berberanews)-Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Axmed oo socdaal ku tegay waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa la sheegay inuu masuuliyiinta sare ee dalkaas kala hadlay isticmaalka Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Abiy Axmed oo booqasho ku tegay Abu Dhabi maalintii Sabtida ee toddobadkan, waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Amiirka awoodda badan ee Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin-Zayed Al Naxyaan.
Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed, ayaa la sheegay inuu Amiirka Imaaraadka Carabta kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga Dekedda Berbera ee ay saamiga ugu badan ku leedahay sidii ay uga wada faa’iideysan lahayeen, maadaamaa Itoobiya aanay lahayn bad, isla markaana dhaqaalaheeda uu si weyn u saameeyey dagaalka woqooyiga dalkaasi ka socda, sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Imaaraadka.
Wargeyska The Jordan Post oo faallo ka qoray booqashada Abiy uu ku tagay Imaaraadka ayaa sheegay labada dhinac in loo badinayo inay ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin dagaalka woqooyiga Itoobiya ka socda, soo afjariddiisa sidii ay isaga kaashan lahaayeen, Inay iska kaashadaan horumarinta Wajaale ilaa iyo Berbera si ay Itoobiya Dekeddaasi uga faa’iideysato iyo dagaalka Imaaraadka uu Xuutiyiinta kula jiro sidii ay Itoobiya uga heli lahayd saldhigyo ay diyaaradaheeda ka duqeeyaan fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto.
Waxa kale oo wargeysku uu sheegay Imaaraadka dhankeeda marka laga reebo saldhig ciidan ay dooneyso inay wax soo saarka beeraha Itoobiya ka faa’iideysato ayna maalgashato beeraha dalkaasi.
“Abiy wuxuu Imaaraadka u doontay taageero dhaqaale uu ku hormariyo adeegyada aasaasiga ah ee Wajaale ilaa Dekedda Berbera si ay Addis Ababa ugu sahlanaato isticmaalka dekeddaasi,” ayuu yidhi Sajid Nedin oo ka faallooda arrimaha Badda Cas iyo bariga Afrika.
Waxaa dhawaan la daahfuray wejigii koowaad ee ballaadhinta dekedda Berbera, taasoo ay gacanta ku haysay shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ee DP World.
Saamiga Dekedda Berbera
Heshiiska Dekedda Berbera oo soo bilaambay 2016-kii wuxuu ahaa saddex-geesood, iyada oo heshiiskaasi ay ansixisay Somaliland.
Heshiiskaas ayaa dhigayey in shirkadda DP World ay saamiga dekadda yeelanayso 51% boqolkiiba, Somaliland-na ay yeelayanayso 30% boqolkiiba, halka dowladda Itoobiya ay qaadatay boqolkiiba 19%, heshiiskaasi oo soconaya muddo 30 sannadood ah.
Hase yeeshee, Somaliland bishii la soo dhaafay waxay sheegtay inay Itoobiya wax saami ah ku lahayn dekedda Berbera, uuna burburay saamigii 19% ka ee ay lahayd.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in heshiiskii ay Itoobiga 19% uga yeelanaysay saamiga Dekedda Berbera uu burburay.
Wasiirka oo marti ku ahaa barnaamijka “La hadal Horyaal” ee uu baahiyo muuqbaahiyaha Horyaal, ayaa sheegay in Somaliland iyo DP World oo kali ah, ay leeyihiin faa’iidada kasoo baxd Dekedda Berbera, isla markaana Itoobiya aanay waxba ku lahayn.
“Saamiga shirkadda DP WORLD la yidhaa ee Dekedds Berbera waxa iska leh DP World iyo Somaliland. Somaliland 35% ayay leedahay DP WORLD-na 65%. Heshiiska halkaa lagu galay ee sidaa loo kala qaybsaday saamiga Itoobiya qayb kama aha,” ayuu yidhi Wasiir Sacad.