Madaxda Ciidammada kala duwan ee Djibouti oo soo gaadhay Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-Taliyayaasha ciidamada booliiska,  cirka, madaxtooyada, badda, Jandar Marega ee dalka Jabuuti iyo saraakiil kale, ayaa soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargaysa, oo ay kaga qayb galayaan munaasibada sannad guurada 28 ee as aaska ciidamada qalabka sida ee Somaliland.

Taliyaha Ciidamada Millateriga Somaliland Sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa waftiga kusoo dhaweeyay Somaliland.

“Waftiga reer Jabuuti oo uu hogaaminayo, Gen: Tahar Cali Maxamed, ee ay kamid yihiin taliyaha ciidanka booliiska, taliyaha ciidanka cirka, taliyaha ciidanka badda, taliyaha Jandar Mareega iyo saraakiisha kale ee noogu yimid munaasibadan loogu dabaal dagayo 28 ciidanka qaranka, waxay muujinaysa walaalnino iyo jaarnimo” ayuu yidhi taliye Taani.

Waftiga ayaa iyaguna dhankooda ka mahadceliyay soo dhawaynta, iyagoo sheegay in safarkoodu muujinayo walaal nimada labada bulsho.

Waftigan ayaa ka qayb gali doona xaflada sannad guurada 28 ee Ciidamada Millateriga Somaliland oo maalinta berri ah ka qabsoomi doonta caasimada Somaliland ee Hargaysa.