Xog: cidda  Itoobiya ka heshay diyaaradaha ay ku burburisay dhufaysyada TPLF

Addis Ababa  -(Berberanews)-Tobaneeyo qof ayaa lagu dilay duqaymo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo bilihii la soo dhaafay ka dhacay Gobolka Tigray ee woqooyiga dalka Itoobiya.
Inta badan duqeymahaas waxa loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaanno, waxana jira walaac isa soo taraya oo ku saabsan khasaaraha gaadhay dadka rayidka ah iyo cidda dawladda Itoobiya ka heshay diyaaradaha ay ku burburisay dhufeysyadii fallaagada TPLF.
Dawladda Itoobiya oo muddo sannad ka badan dagaal kula jirtay fallaagada TPLF, ayaa sheegtay inay xaq u leedahay inay isticmaasho hubka ay u aragto inay ku habboon tahay.

Waxay dawladda Itoobiya beenisay inay duqeymahan dad rayid ah la bartilmaameedsatay.

8 January 2022: Weerar lagu qaaday xero ay ku jireen barakacayaal:

Weerar dhanka cirka ah oo lagu qaaday xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taal Dedebit ee Tigray, 8-dii January 2022, ayaa waxa ku dhintay in ka badan 50 qof, waxana ku dhaawacmay 100 kale.
Sawirrada la qaaday weerarka kadib oo shaqaale gargaar ay u gudbiyeen mareegta Politico, ayaa horseeday in baadhayaal madaxbannaan ay rumaystaan ​​in mid ka mid ah hubka la adeegsaday uu noqon karo gantaal laga soo riday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 oo Turkigu sameeyey.

Hadhaaga duqeymuhu waxay u muuqdaan in hubkani yahay nooca lagu rakibo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida ay sheegeen cilmi-baadhayaal ka socda Machadka Nabadda ee Pax oo fadhigiisu yahay dalka Netherlands iyo waliba Amnesty International.

Joogitaanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ee Itoobiya waxa shaaca ka qaaday bishii December ee kal-hore Wim Zwijnenburg oo ah baadhe la shaqeeya ururka Pax.

Waxa uu farta ku fiiqay in sawirro uu qaaday dayax-gacmeedka ay muujinayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga oo taagan saldhigga ciidammada cirka ee dawladda ee koonfurta Gobolka Tigray.
Waxa lagu aqoonsan karaa marka la barbardhigo cabbirrada oo ay ku jiraan baalasha iyo dhererka, sawirrada dayax-gacmeedka.

Ma cadda in diyaaradahan ay yihiin kuwa loo adeegsaday dhacdadan, dawladda Itoobiyana ma aanay xaqiijin isticmaalkooda.

Turkiga ayaa sannadkii hore heshiis iskaashi dhanka difaaca ah la saxeexday Itoobiya, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa bishii December ee la soo dhaafay sheegtay in Maraykanku muujiyey walaaca uu ka qabo dawladda Turkiga ee ku aaddan iibka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya.
6 January: weerro lagu qaaday jabhadda Oromada:

Horraantii bishii January 2022 waxa weerar lagu qaaday fallaagada Gobolka Oromiya, oo iyagu isbahaysi la samaystay xoogagga Tigray.
Faahfaahin yar ayaa laga helay weerarkaas, mana cadda in dad rayid ah ay wax ka soo gaadheen iyo in kale.

Weerarka cirka ee ka dhacay aagga Gidami ayaa ka tagay woxogaa caddayn ah, isla markaana hadhaaga gantaallada ayaa sida ay sheegeen baadhayaal tilmaamaya in la isticmaalay hub lagu farsameeyey dalka Iran.

Sawirro lagu qaaday dayax-gacmeed bishii December ee 2021, ayaa muujinaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Harar Meda.

Qalabka dabagalka duullimaadyada ayaa lagu ogaaday in ilaa 15 duullimaad xamuul ah oo ka yimi Iran, kuna socday garoomada diyaaradaha ee Harar Meda iyo Bole bishii August 2021. Lama oga waxa ay sideen diyaaradahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, bishii October ee sannadkii la soo dhaafay, masuuliyiinta Mareykanka ayaa si cad u cambaareeyey Iran dhoofinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxayna Itoobiya ku tilmaameen mid ka mid ah dalalka helay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.

16 December 2021: weerar lagu qaaday suuq ku yaal Alamata  – Tigray

Badhtamihii Decembar 2021, weerarro cirka ah oo isdaba joog ahaa ayaa sababay dhimashada 28 qof oo rayid ah oo ku sugnaa suuq ku yaal magaalada Alamata ee koonfurta Gobolka gobolka Tigray.

Jabhadda TPLF, ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee dawladda iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ay masuul ka ahaayeen weerarkaas.

Muuqaal laga sii daayey TV-ga Tigrayga, ayaa muujinaya hadhaaga gantaal la sheegay in loo adeegsaday weerarkaas.
Dhuumaha dabadiisa ee matoorka gantaalka, kaasoo u janjeedha inuu ka badbaado saamaynta, ayaa laga garan karaa muuqaalka.

Mid ka mid ah baadhitaannada – oo adeegsanaya macluumaad laga helay dadweynaha iyo baadhitaan lagu sameeyay hadhaaga gantaallada ayaa muujinaya inuu u ekaa kuwa Shiinuhu sameeyo oo laga soo riday diyaarad aan duuliye lahayn.

Sawirro Satellite-ku qaaday ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Wing Loong ee Shiinuhu farsameeyo lagu xareeyey saldhigga ciidammada cirka ee Itoobiya ee Harar Meda 15kii December 2021- maalin ka hor weerarkii Alamata.

Baadhitaan madaxbannaan ayaa xaqiijiyey in Shiinuhu yahay meesha ay ka yimaaddeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Wing Loong ee Itoobiya yaalla, kuwaasoo markii hore loogu talogalay isticmaalka ururinta xogaha.

Xogta laga helay app-ka la socodka duullimaadyada ayaa muujinaya shixnado ka yimi Chengdu ee Shiinaha, oo ah goob ay dawladdu leedahay oo lagu farsameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Chengdu, kuwaas oo loo dhoofiyey Itoobiya bilihii Septembar iyo October ee sannadkii la soo dhaafay.

Laakiin waxa jira waddan kale oo haysta diyaaradaha noocyada Wing Loong iyo Blue Arrow, isla markaana u diray Itoobiya, dlakaasina waa Imaaraadka Carabta.

Iyadoo la soo xiganayo xogta hubka ee uu ururiyey Machadka Cilmi-baadhista Nabadda ee Caalamiga ah ee Stockholm (SIPRI), Imaaraadku wuxuu haystaa labada nooc ee Wing Loong drones iyo gantaallada Blue Arrow.

Cilmi baadhista xogta duulimaadku waxay muujinaysaa 119 duullimaadyo xamuul ah muddo shan bilood ah sannadkii hore, kuwaasi oo ka duulay garoommada ciidammada cirka ee Imaraadka, isla markaana gaadhay Harar Meda (koonfur-bari ee Addis Ababa) iyo Bole oo ah groonka caalamiga ah ee ugu weyn caasimadda. Lama hubo waxa ay duullimaadani sideen.

Maxay ka tidhi dowladda Itoobiya?

Afhayeenka dawladda Itoobiya Legesse Tulu ayaan tafaasiil ka bixin dhacdooyinka kor ku xusan.

Waxa uu BBC-da u sheegay: “Ma sheegi doonno goobta, balse dawladdu waxay isticmaashay Dronis-ka xilliyo iyo meelo kala duwan.” Waxa uu sidoo kale ku adkeystay in aan loo adeegsan goobaha dadka rayidka ah.

Dhab ahaan ma naqaan goorta diyaaradahaas la geeyey Itoobiya.
BBC-da ayaa la xidhiidhay dawladaha walaaca ka qaba wararka sheegaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalalkooda loo adeegsaday Itoobiya – balse kama aanay jawaabin.

Waxaan sidoo kale la xidhiidhnay shirkadda difaaca ee Turkiga oo sameysa diyaaradda Drone-ka ee Bayraktar, laakiin wax jawaab ah kama aannu helin.

Ma jirto cunaqabatayn dhanka hubka ah oo saaran Itoobiya hadda, dhoofinta diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayna ayaa ah kuwa aan la ogeyn marka loo eego shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah.

Balse adeegsigooda goobaha colaadaha ee adduunka ayaa u muuqda mid sii kordhaya.

Wim Zwijnenburg oo ka tirsan kooxda Pax, ayaa aaminsan in tusaalaha Itoobiya “ay keenayso su’aalo culus, iyada oo la tixgelinayo eedeymaha badan ee ku xadgudubka sharciga caalamiga ah.”