UCID oo si cad uga soo horjeestay magacaabista Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda

Hargeysa -(Berberanews)-Xisbiga mucaaradka ee UCID, ayaa si cad uga soo horjeestay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka oo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu magacaabay shalay.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali-waraabe oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa maanta, ayaa tallaabo qaldan ku tilmaamay in xilligan Madaxwaynaha Somaliland uu magacaabo guddi, iyadoo ay yaallaan hawlahaha doorashada soo aaddan, waxaannu ku eedeeyey Madaxweyne Muuse Biixi inuu ka warwareeganayo gudo-galka arrimaha doorashada madaxtooyada.
Guddoomiye Faysal ayaa ku hanjabay in ay qaadayaan tallaabooyin uu ku sheegay inay ku badbaadinayaan Somaliland.