Al-shabaab oo dab qabadsiiyey tuulooyin ku dhow Muqdisho

Muqdisho -(Berberanews)-Boqollaal qoys ayaa ka barakacay, tuulooyinka Mareerey iyo Mukay Dheere ee duleedka degmada Balcad ee dalka Soomaaliya, kadib markii xooggaga Al-shabaab ay dab qabad siiyeen labadaas tuulo.
Mareerey oo qiyaastii 5 km woqooyi-bari ka xigta degmada Balcad ee duleedka magaalada Muqdisho, ayaa shalay galinkii dambe dab la qabad siiyey, halka Mukey Dheere la gubay Jimcihii.
Boqollaalka qoys ee tuulooyinkaasi ka barakacay, ayaa hadda waxa duruufo nololeed oo aad u adag ku haystaan degmada Balcad oo ay ku qaxeen.
Guddoomiyaha magaaladaasi Qaasim Cali Nuur, ayaa BBC-da u sheegay in sababta loo gubay tuulooyinkaasi tahay inay soo dhoweeyeen ciidammada dawladda Soomaaliya ee halkaas kula dagaallamayey Al-shabaab.