Nairobi: Nin lagu eedeeyay dilka wiilkiisa oo isdilay

Nairobi-(Berberanews)-Nin 30 jir ah oo ka soo jeeda deegaanka Mukuru Kwa Njenga ee magaalada Nairobi ayaa maanta oo Khamiis ah is dilay kadib markii lagu eedeeyay in uu afduubtay oo dilay wiil uu dhalay oo 3 jir ah.

Booliska ayaa sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Victor Ayieko, uu dhawaan si qarsoodi ah u galay guriga xaaskiisa hore ee Tassia, halkaas oo uu cunugu ku noolaa, uu afduubtay wiilka kadibna uu dilay.

Hooyada dhashay wiilka, Nancy Adhiambo, ayaa shaqada ka tagtay markii ilmaheeda la sheegay in la afduubtay.
Adhiambo waxay la joogtaa Tassia iyada iyo seygeeda cusub, Christopher Okeyo, ayaa isna shaqada ku jiray markii uu shilku dhacay.

Lamaanihii markii ay maqribkii dib ugu soo laabteen gurigooda, waxay heleen wiilkooda oo maqan, taasoo keentay inay dadka deriska ah wax ka weydiiyaan cidda wiilka kaxaysatay.