Diyaaradda ka dhacday Maraykanka ee qarka u saaran gacanta Shiinaha

Ciidamada badda Mareykanka ayaa wado dadaal ay ku gaadhayaan goob ay ku dhacday mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka ee ugu casrisan, ka hor inta uu Shiinuhu gaadhin halka ay diyaaraddaasi ku dhacday.

Diyaaradda dagaalka ee F35-C oo qiimaheedu yahay $100 malyan oo doolar ayaa ku dhacday Koonfurta Badda Shiinaha kaddib marki ay la kulantay waxay ciidamada badda Mareykanka ku tilmaameen ‘Cillad farsamo oo lama filaan ah’ xilli ay ka duuleysay Markabka diyaaradaha qaada ee USS Carl Vinso.

Diyaaraddan ayaa ah tii ugu casrisaneed ee ay ciidamada badda Mareykanka isticmaalaan, iyada diyaaraddu ay ka sameysan tahay qalab sir ah.

Haddaba ciddii diyaaraddaasi badda ku dhacday ugu hor hesha ayaa noqoneysa mid guuleysata.

Dagaalka looga jiro helitaanka diyaaraddaasi siraha ka dambeeya ayaa ah tan ay dalalku loollanka ugu jiraan.

Toddoba Badmaax ayaa ku dhaawacantay marki ay Isniinti diyaaraddu soo dhacday xilli ay sagxadda Markabka ay ka duuleysay ay dabada ku dhufatay xilli ay ku jirtay dhoollatus militari.

Haddaba diyaaraddi waxay ku jirtaa gunta badda, hase yeeshee waxa xiga ee dhici doona ayaa qarsoodi noqonaya. Ciidamada badda Mareykankana meysan xaqiijin halka ay diyaaraddaasi dhacday ku jirta iyo muddada ay soo saaristeeda qaadaneyso.

Shiinuhu wuxuu sheeganayaa ku dhawaad dhammaan badda Koonfurta Shiinaha wuxuuna si isdaba joog ah sanadihi la soo dhaafay uu u qaaday tallaabbooyin uu sheegashadaasi ku xaqiijinayo, isagoo diiday inuu aqoonsado xukunkii maxkamadda caalami ah ay soo saartay 2016-kii isagoo xukunkaasi ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.

Khabiirka dhinaca Amniga Qaranka ayaa sheegay militariga Shiinaha “iney aad ugu dhow yihiin” iney diyaaraddaasi helaan balse Markab uu leeyahay Mareykanka ayaa meesha ay diyaaraddu ku dhacday u soo jira masaafo loo soconaya 10 maalmood.

Waa dib u dhac aad u weyn, ayey tidhi la taliye dhinaca Militariga ah, sababta oo ah sanduuqa madow ee xogta diyaaradda laga helo ayaa gubanaya ka hor inta uu Markabka Mareykanka goobtaasi gaadhin, taasoo sii adkeyneyso in diyaaradda la helo.

“Mareykanka aad ayey muhiim ugu tahay inuu diyaaraddaasi helo,” ayey tidhi. “Diyaaradda dagalka ee F-35 ee badda ku dhacday waa diyaarad la odhan karo Koombiyuutar duulaya. Waxaana loo naqshadeeyey iney xambaarto qalab aad u badan- iyada ciidamada cirka ay ku tilmaamaan inuu ku xidhanyay qalab shiishka diyaaradda si weyn gacan uga geysanaya’.”

Shiinuhu ma laha teknooloojiyad heerkaa gaadhsiisan marka haddii ay diyaaraddaasi gacanta ku soo dhigaan waxay ku gaadhayaan horumar aad u weyn, ayey tidhi.

Mar ay ka jawaabeysay su’aasha ah inuu jiro dib u soo billaabashada dagaalki qaboobaa waxay tidhi: “Dhammaan arrimahan waxay ku xidhan yihiin cidda ay guusha raacdo, baadigoobka looga jiro dagaalkuna waa mid seddex geesoos ah oo cajiib ah.”

Austen oo horay la taliye ugu ahayd taliyaha guud ee ciidamada isku dhafka Mareykanka iyo Diblumaasi sare oo Yurub iyo Nato u qaabilsanaa waxay sheegtay iney aaminsan tahay isku day kasta uu Shiinuhu ku sheegta soo saaristasi waxay Beijing ku keeneysaa “Cadaadis kale” oo dhanka Mareykanka uga yimaadda.

Waxay sheegtay iney aaminsan tahay, iney ku soo beegantay wakhti khatar badan oo ay dad badan aaminsan yihiin ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistaan iney tahay Habacsanaan iyo Masiibo weyn.

@Bbc Somali