Colaadda Itoobiya: Dhaqaatiirta Tigray oo cunto tuugsanaya

Qaar ka mid ah kalkaaliyeyaasha iyo dhaqaatiirta ku sugan isbitaalka ugu weyn gobolka ay colaadu ka taagan tahay ee Tigray ayaa ku qasbanaaday inay tuugsadaan cunto, sida uu BBC u sheegay mid ka mid ah dhaqaatiirtaas.

Wax mushahar ah lama siin muddo siddeed bilood ah, taas oo ku qasabtay inay raadiyaan siyaabo kale oo ay qoysaskooda ku quudiyaan, ayuu yidhi.

Hadalka dhaqtarka ayaa imaanaya iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in “gaajo ba’an” ay la soo gudboonaatay dadkii ugu badnaa abid ee ku nool Tigray.

Waxay sheegtay in ilaa 2.2 milyan oo qof “ay la daalaa dhacayaan gaajo aad u daran”.

Kala badh dhammaan haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya ayaa la dhibtoonaya nafaqo-darro, sida lagu ogaaday qiimeyn uu sameeyay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee QM (WFP).

Guud ahaan, gobolka Tigray iyo labada gobol ee kale ee uu saameeyay dagaalkii bilooyinka socday, waa Amhara iyo Afar, sagaal milyan oo qof ayaa u baahan gargaar cunto, sida ay sheegtay WFP.

Ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ayaa mucaaradka waqooyiga Tigray la dagaallamayay tan iyo November 2020, dagaalkaas oo ay ku dhinteen kumannaan qof.

In badan oo xilligaas ka mid ah Tigray intiisa badan waa la go’doomiyay, taas oo adkeysay in gagaar muhiim ah iyo caawinaad dawo la gaadhsiiyo. Bangiyada ayaa la xidhay taas oo ka dhigan in dadku aanay la bixi karin lacagahooda keydka ah.

Dhaqaatiirta iyo kalkaalisooyinku kama aanay badbaadin dhibaatooyinkaas.

Dhaqtarkan oo codsaday in magaciisa aan la shaacin, kana howlgala Isbitaalka Ayder ee caasimadda Tigray ee Mekelle, ayaa BBC-da u sheegay in toddobadii bilood ee la soo dhaafayba ay wax caadi ah ahayd in la arko dhaqaatiir saf ugu jira cunto bisil.

Dhallaan u geeriyooday cunno la’aan

Wax mushaar ah lama siin tan iyo bishii May sanadkii hore.

“Intooda badan way jareen cuntada maalintii. Raashiin, saliid, khudaar, badar – qiimuhu cirka ayuu isku shareeray heer aadan ku fekeri karin inaad iibsato. Qaar ayaa bilaabay inay cunto tuugsadaan,” ayuu yishi dhaqtarka.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay sida la’aanta agabka caafimaadka ay u saameysay daaweynta dadka. Beddelkii gacmo-gashiga muhiimka u ah marka dhaawaca la dhayayo, Isbitaalka Ayder wuxuu ku tiirsanaa dhar loogu deeqay oo inta la jarjaro kaddibna la nadiifiyo.

Dhaqtarka ayaa sidoo kale sheegay in Surafeal Mearig, ilmihii saddexda bilood jiray ee ay BBC-da wax ka qortay horraantii bishan uu dhintay. Isbitaalka ayaa laga saaray guriga ayaana loo diray maaddaama miisaankiisu uu kordhayay haddana guriga ma oollin cunto kaddibna wuxuu geeriyooday 13-kii bishan January.

BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto wararka dhaqtarka maaddaama Tigray aanay ka jirin wax is gaadhsiin ah tan iyo intii uu dagaalku bilowday.

Waxaa laga yaabaa in xoogaa xaaladdu ay hagaagto toddobaadkan, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa waxa au suurto gashay inuu gargaar caafimaad gaarsiiyo Mekelle markii ugu horreysay tan iyo bishii September.

Wax gargaar ka socda QM ma gaarin Tigray tan iyo bartamihii December, balse WFP ayaa sheegtay in maalintiiba loo baahan yahay 100 gawaari xamuul ah si looga baxo gaajada.

QM ayaa codsaneysa $337m (£252m) si ay lixda bilood ee soo socota ugu maalgeliso howlaha ay ka waddo waqooyiga Itoobiya.

Dagaalka Tigray ayaa bilowday 2020 kaddib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu amray dagaal militari oo ka dhan ah ciidamada Tigray. Wuxuu sheegay inuu sidaas u sameeyay iyadoo laga jawaabayo weerarka lagu qaaday saldhigga militari ee ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Xiisadda ayaa xumaatay kaddib bilooyin uu khilaaf ka dhex aloosnaa dowladda Abiy iyo hoggaamiyeyaasha TPLF, oo ahaa xisbigii xukumayay Tigray.

Bilooyinkii la soo dhaafay, ciidamada federaalka ayaa isa caabbinayay kuwa mucaaradka balse dagaalka ayaa ka sii socday meel u dhow xadka gobollada Tigray iyo Afar.

Waxaa jirtay rajo ah in wada hadal nabadeed uu dhaco.

Ergayga gaarka ah ee dhowaan uu Mareykanku u soo magacaabay Geeska Afrika, David Satterfield, ayaa dhowaan u safray Addis Ababa halka dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika, oo sidoo kale ah madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, uu sidoo kale la kulmay hoggaamiyeyaal sar sare oo Tigray ka soo jeeda.

@Bbc Somali