TPLF oo qabsaday magaalooyin cusub xilli abbiy ku baaqay wadahadal

Addis Ababa -(Berberanews)-Raysal wasaaraha Itoobiya Mr Abiy Axmed, ayaa markii ugu horreysay sheegay in ay jiri doonaan wada-xaajood xabbad-joojin ah oo dhexmari doona dawladdiisa iyo ciidammada ka soo horjeeda ee Tigreega oo dagaal ku jiray ku dhowaad 15 bilood, sida uu wakaaladda AP u sheegay guddoomiyaha koox qurbo-joog ah oo kulan gaar ah la qaatay.
Raysal wasaare Abiy Axmed weli meel fagaare kama sheegin hadalkan oo kale, iyadoo dadaallada dhexdhexaadinta caalamiga ah ay socdaan.
Mesfin Tegenu oo ah Guddoomiyaha Guddiga Xidhiidhka Arrimaha Mareykanka iyo Itoobiya, ayaa Salaasadii ku sifeeyey qaabkii kulan shan saacadood qaatay oo Sabtidii uu la yeeshay raysal wasaaraha rabitaan dhab ah oo lagu joojinayo dagaalka, taaas oo uu rajenayo in dhinaca kale ee TPLF ay iyaganu raalli ka yihiin wadahadalka.
Waxa uu sheegay in Abiy u sheegay inay jiri doonaan wada-xaajoodyo uu ku tilmaamay kuwa macquul ah oo ilaalin doona danta guud ee qaranka.
Afhayeenka Abiy, Billene Seyoum ama Afhayeenka Tigray, Getachew Reda ayaan midkoodna ilaa hadda ka hadlin warbixinta Mesfin Tegenu ee ah in Raysal Wasaare Abiy diyaar u yahay wadahadal uu la galo TPLF.
Maraykanku wax tafaasiil ah kama bixini Ergayga Geeska Africa, David Satterfield oo booqashadii ugu horreysay ku tagay Itoobiya toddobaadkii hore.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay shalay inuu u safri doono Masar, Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo Israa’iil ilaa 4-ta bisha February ee soo socota si uu ugala hadlo guud ahaan Suudaan iyo Geeska Afrika.
Qiyaastii tobannaan kun oo qof ayaa lagu dilay dagaalka Itoobiya, malaayiin kalena waa ay ku barakaceen, iyadoo ilaa 6 milyan ruux oo Tigray ah ayaa weli ku jira go’doomin dawladdu meesha uga saartay inta badan cunto gargaar, daawooyin, lacag caddaanka ah, shidaal iyo agab kale oo si aad ah ay ugu baahan yihiin dadka Gobolka Tigreega.
Geesta kale, Madaxa Xafiiska Isgaadhsiinta Dawlad-degaanka Cafarta ee dalka Itoobiya Mr.  Axmed Kaloyta, ayaa sheegay in ciidammada TPLF dagaal ku soo qaadeen degaankooda, isla markaana ka qabsadeen saddex degmo.
Mr. Kaloyta waxa uu xusay maalmihii la soo dhaafay in xoogagga TPLF saddexda degmo ee ay qabsadeen ku soo qaadeen weerarro ay u adeegsanayeen hubka culus.
Dagaal toddobaadkii hore ka dhacay xadka ay wadaagaan deegaannada Tigraay iyo Cafarta, ayaa labada dhinac midba midka kale wuxuu ku eedeynayey inuu dagaalku isagu bilaabay.
Warsaxafadeed ka soo baxay xafiiska isgaadhsiinta dawladda degaanka Cafarta waxa lagu sheegay in TPLF dagaal ku qaadeen, kuna qabsadeen degmooyinka Abcala, Magaale iyo Baraxle.
Dagaalka TPLF ay ku soo qaadeen deegaanka Cafarta wuxuu ku tilmaamay mid ay uga gol leeyihiin inay aargoosi sameeyaan, maadaamaa TPLF lagu jabiyey dagaalkii u dambeeyey ee looga saaray degmooyinka ay ka qabsadeen Cafarta.
TPLF dhankooda waxay sheegeen in ciidammada deegaanka Cafartu dagaalka ku soo qaadeen si ay u carqaladeeyaan hawlaha gargaarka bani’aadanimo ee Tigraay uga yimaadda dhinaca degaanka Cafarta.
TPLF waxay ciidamada Eritrea iyo kuwa deegaanka Cafarta ay ku eedeysay aagga Abcaala inay ku soo qaadeen dagaal qorsheysan, iyagoo dawladda dhexena ku eedeeyey dagaalka iney iyadu ka dambeyso si loo joojiyo gargaarka bani’aadanimo ee deegaanka Tigraay loo wado.
Axmed waxa uu intaas ku daray in degmooyinka TPLF dagaalka ku qabsadeen oo ku teedsan xadka ay Tigraay la wadaagaan ay dad badan ku barakaceen, dagaalkuna uu geystay dhibaatooyin baaxad leh.
Waxa uu sheegay dagaalka cusub ee ay TPLF ku qaadday degaanka Cafarta inuu horistaagay dadaal ay dawlad deegaanka Cafarta ugu jirtay inay degaannadii ay ka soo barakaceen dib uga celiso kumannaan shacab ah oo ay dagaalladu barakiciyeen.
Ilaa haddana lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dagaalka cusub ee TPLF ku qabsadeen degmooyinka ka tirsan Gobolka Canfarta, maadaamaa weli dagaalku socdo.