Shidaal yaraan baahsan oo ka jirta magaalada Jigjiga

Jigjiga  -(Berberanews)-Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya, ayaa sheegay inay soo foodsaartay xaalad shidaal la’aan baahsan ah oo saamayn weyn ku yeelatay isu socodka gaadiidka.
Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dawlad-degaanka Soomaalida Mr
Maxamed Rooble Maxamuud, ayaa warbaahinta u sheegay inay magaalada ka jirto shidaal yaraan xooggan oo aad looga dareemay guud ahaan Jigjiga iyo degaannada ku dhow.
Mr Maxamed ayaa shidaal yarida ka jirta Jigjiga sabab uga dhigay in qaar ka mid ah kaalmaha shidaalka ee magaaladu shidaalkii ay hayeen u dhoofiyeen meelo kale sida degaannada dalka Soomaaliya.
Arrintan ayaa la sheegay inay si guud u saamaysay gaadiidleyda dhan, gaar ahaan dadka ku shaqaysta gaadiidka yaryar ee loo yaqaan Bajaajta oo aad uga dhex shaqeeya gudaha iyo hareeraha magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad-degaanka Soomaalida dalka Itoobiya.