Sarkaal sare ka tirsanaa Millatariga Somaliland oo Lagu Dilay duleedka Boorama

Boorama -(Berberanews)-Allaah ha u naxariistee Gaashaanle dhexe Cabdirisaaq Xasan Dalmar oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu dilay fadhiisin ciidammadu ku leeyihiin degaanka Goroyo-cawl oo u dhow magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal saaka.
Dilka sarkaalka ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey askari ka tirsan ciidammada qaranka ee saldhigga Gorayo-cawl oo uu marxuumku taliye ka ahaa.
Lama oga ilaa hadda sababta askarigaasi u dilay taliyihiisii.
Marxuum Dalmar, waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada Somaliland ee tababarka millatari ku soo qaatay dalka Ethiopia. Sidoo kalena wuxuu ku jiray saraakiil Madaxweyne Biixi dallacsiiyey sannadkii hore.
Dhinaca kale, askariga dilay sarkaalka ayaa la sheegay in isla markiiba ciidanku qabteen.