Madaxweyne Biixi oo xafiiskiisa ku Qaabilay Wakiilka Cusub ee dawladda Ingiriiska u jooga Somaliland

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wakiilka cusub ee dalka Ingiriisku dhowaan u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Lizzie Walker oo ay wehelinayaan saraakiil sare oo ka socda xafiiska UK ee caasimadda Hargeysa.
Kulankan oo ujeedadiisu daarranayd soo dhoweyn uu madaxweynuhu ku qaabiley wakiilka cusub ayaa madaxweynuhu xog buuxda ka siiyey horumarka iyo himilada qaranka Somaliland uu gaadhay, waxaannu uga mahadnaqay dawladda Ingiriiska iyo Baarlamaankeedaba dedaalkii iyo juhdigii ay geliyeen inay dareenkooda madax-bannaanida Somaliland la wadaagaan beesha caalamka, kagana doodaan xarunta baarlamaanka dalkaas, taas oo madaxweynuhu xusay inay shacbiga Somaliland-na kaga jawaabeen dareen saaxibtinimo oo salka ku haya xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.
Dhinaceeda, Wakiilku waxa ay xustay inay la dhacsan tahay dedaalka horumarineed iyo dimoqraadiyadeed ee ka hanaqaaday Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo sababtay in adduunku maanta indhaha ku hayo horumarka iyo wanaagga  Somaliland ka socda.
Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.