Golaha Wasiirrada Itoobiya oo ansixiyey qaraar lagu qaadayo xaaladdii degdegga ahayd

Addis Ababa -(Berberanews)-Golaha Wasiirradda ee Itoobiya ayaa meel-mariyey maanta qaraar lagu qaadayo xaaladdii degdegga ahayd ee lagu soo rogay dalkaas bishii November ee sannadkii soo dhaafay.
Qaraarka Golaha Wasiirradu meel-mariyeen, ayaa u baahan in ay ansixiyaan Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo ay u badan yihiin xisbiga Barwaaqo ee talada haya.
Xaaladda degdegga ayaa lagu soo rogay Itoobiya kadib markii uu sii xoogaystay dagaalkii dalkaas, isla markaana fallaagada TPLF ay ku dhawaadeen caasimadda Addis Ababa.