Weftigii ugu cuslaa ee Beesha Caalamka ka socda oo yimi Hargeysa

Hargeysa  -(Berberanews)-Wefti aad u tiro badan oo ka socda dalalka adduunka ee Jamhuuriyadda Somaliland ka taageera dhanka doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda, ayaa socdaal ku yimi caasimadda Hargeysa gelinkii hore ee maanta.
Weftiga oo ka kooban ku dhowaad 20 safiir oo ka kala Midowga socda Yurub, Ingiriiska iyo waddamo kale oo ka mid ah beesha caalamka ee taageera doorashooyinka Somaliland, waxa ay isla gelinkii hore ee maanta kulamo la yeesheen Komishanka Doorashooyinka, shirguddoonnada labada gole baarlamaan ee Wakiillada iyo Guurtida.
Sidoo kale, waxa la filayaa inay saacadaha soo socda la kulmaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, madaxda saddexda xisbi qaran iyo dhinacyo kale.
Safarka weftiga culus ee ka socda dalalka Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda ayaa ku soo beegmay xilli uu khilaaf siyaasadeed oo salka ka haya arrimaha doorashooyinka iyo furista ururrada siyaasadda uu u dhexeeyo xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka.