“Nin Siyaasi Sheeganaya oo Haddana ku Hadlaya Af qabiil Waa Wax laga Xumaado” Koore

“Nin aan Qaranka Habeen Qudha Geed u soo Seexan ayaa Aniga Somaliland iga Sheeganaya..” Wasiir Koore

Hargeysa  -(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado iyo foolxumo weyn in siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada mucaaradku ay maalin kasta ku hadlaan af qabiil.

Wasiir Saleebaan Koore oo warbaahinta la hadlay xalay, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalka loo tudho, isla markaana laga waantoobo hadallada ummadda lagu kala qaybinayo.
Wasiirka oo arrimhaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Rag baa marka aan hadlo aniga oo qaranka u hadlaya oo ah oo Afhayeenkii Qaranka ila aadaan qabiil. Wasiirka Warfaafinta iyo qabiil maxaa iska khuseeya? Rag baa u holanaya qabiilka. Haddaynu qabiilada u kala holanno  Somaliland jiritaankeedu ma noqonayo mid sax ah. Sida ragga qaarkii noogu suntaan hadalka reernimo uma hadli karo oo soddon sannadood ayaan qarannimo ku soo shaqaynayay. Mid aan dhaxan iyo maalin geed aan uga soo laaban qaranka ayaa aniga Somaliland iga sheeganaya. Aniga cid taariikh Somaliland igaga badan ma jirto. Ninka awoowgii  xuduudka sameeyey ee uu ku saxeexan yahay ayaan ahay. waxa aynu u baahannahay  qaran wada jira, dad isaqoonsada iyo ummad is ixtiraamta. Waxa aan aad uga xumahay in rag siyaasiyiin sheeganayaa ay markasta ku hadlaan afqabiil, waxana dalku u baahan yahay  tudhaale iyo dhawris.”
Sidoo kale, waxa uu sheegay in dalka Somaliland uu soo maray  marxalad dheer.
“Waxa aynu nahay dal marxalad dheer soo maray iyo waayo kala duwan soo jiray, waxa aynu nahay dal dimoqraadiyadda ku gaamuray oo Madaxweynayaal badan isku beddeleen si Dastuuriya oo Madaxweynayaashii ugu dambeeyay ay  ku soo baxeen cod. Anigu markii aan qabiilka diiday ee aan ka soo horjeestay waxaan ahaa 24 jir,” ayuu yidhi Wasiir Koore.