Maxay tahay ahmiyadda ay dekedda Saylac u leedahay Itoobiya?

Warbixin BBC Somali
Magaalada Saylac ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka mid tahay magaalooyinka qadiimiga ah ee taariikhaha fog leh.
Saylac waa magaalo xeebeed dhacda goob istaraatiji ah, waxaanay ku taal Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, waxa muddooyiinkii u dambeeyey soo baxayey warar sheegayey in xukuumadaha Hargeysa iyo Addis Ababa ay ka wadahadleen sidii Itoobiya u adeegsan lahayd dekadda magaalada Saylac ee Somaliland.
Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey ayaa dhowaan booqasho ku tegay dalka Itoobiya, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda Addis Ababa.

Hase ahaatee, xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa beenisay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan in ay labada dhinac ka wadahadleen arrinta magaalada Saylac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somailand Dr Ciise Kayd Maxamuud oo o ka jawaabayey su’aal ahayd in wadahadallada ay ka mid yihiin dekedda Seylac ayuu wasiirku iska fogeeyey arrinkaas, “Waa arrin aan sal iyo raad toona lahayn, nin weriye ayeyna ka timi markii hore,” ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Muhimad intee le’eg ayey juquraafi ahaan leedahay Saylac?

Bari iyo woqooyi waxay Saylac la wadaagtaa Gacanka Cadmeed, galbeed waxa ka xiga waddanka Jabuuti, magaalada Boorama waxay dhacdaa 243.3km koonfur-bari, halka magaalada Berbera ay dhanka bari uga jirto 270km.
Magaalada qadiimiga ah ee Harar waxay u jirtaa 320km, waxayna kaga beegan tahay dhanka galbeed.

Magaalada Saylac waxay leedahay taariikh fac weyn oo soo taxnaa sannado badan sida taariikhyahannadu sheegaan.

Cabdisalaan Cabdi oo ka mid ah dadka ka faallooda arrimaha Geeska Afrika, ayaa xusay in Saylac tahay magaalo ilbaxnimo fog leh, isla markaana taariikho badan laga qoray.
Waxa uu sheegay in magalada Saylac ay ka mid ahayd meelihii uu booqday qoraagii caanka ahaa ee Ibn Battuta.

“Magaaladaasi markii uu tagay Ibnu Batuuta oo ahaa nin safar badnaa waxa uu ku  sheegay dadkeeda dad Barbar ah. Marka Barbar la raadiyey luqadda Carabigana waa dad aan Carabna ahayn, Afrikana ahayn,” ayuu yidhi Cabdisalaan.

Waxa uu intaa ku daray in xilligaas Ibnu Batuuta uu ku tilmaamay Saylac in ay ahayd magaalo weyn oo leh suuq weyn.

Dhanka kale, Cabdisalaan Cabdi ayaa sheegay in dekadda magaalada Saylac ay ka mid tahay dekadaha ugu qadimisan, uguna faca weyn adduunka.

“Dekadda Saylac waxay ka mid tahay dekadaha ugu qadiimisan caalamka,” ayuu yidhi Cabdisalaan.

Maxay Itoobiya xoogga u saaraysaa dekadda Seylac?

Falanqeeye Cabdisalaan ayaa sheegay in loollanka dekadaha aannu ahayn mid hadda bilaabmay, cid walbana ay ku baraarugsan tahay ahmiyadda dekadaha.

Waxa uu intaa ku daray in tirada shacabka Itoobiyaanka ay marba marka ka dambeysay sii kordheyso, isla markaana itoobiya aragto muhiimadda ay leedahay in dalka dekad loo helo.

Cabdisalaan Cabdi ayaa farta ku fiiqay in sababta ay Itoobiya isha ugu hayso Saylac ay tahay waa meesha ugu dhow ee ay dekad ka heli karto.
“Sababta ay insha ugu hayso waxa weeye waa marka kowaade waa dariskeeda haddii dawlad ahaan loo eegana waa meesha dawlad ahaan ugu dhaw,” ayuu yidhi.

Cabdisalaan ayaa dhanka kale xusay in dekadda Berbera ay Itoobiya u tahay qorshaha labaad marka laga  tago dekadda dalka Jabuuti.

“Indhaha ayey ku haysaa (Itoobiya), waxayna jeceshahay in ay ka dhigato sida ay sheegaan dadka wax falanqeeya Plan B oo haddii berrito ka maalin uu jidkaas Jabuuti xidhmo amaba ay dowladda Jabuuti ay si uun isu af-dhaafaan,” ayuu yidhi Cabdisalaan.

Waxa uu intaa ku daray in dawladda Itoobiya cashar ka baratay dagaalkii ka dhacay dalkaas, kadib markii ay jabhadda TPLF isku dayeen inay xidhaan waddada isku xidha Jabuuti iyo Itoobiya, taasi oo waddanka oo dhan ku ahayd halis.

“Mucaaradku waxay xilligaas isku dayeen in ay jidka xidhaan, sababtuna waxay ahayd in ay isku dayayeen in gabi ahaanba dhexda lagu dhufto tareenka ka imanaya Jabuuti, markaas dawladdii meel ay wax u soo maraan ma laha, markaa tan Berbera kali ah iskuma halleynayaan, markaa juquraafi ahaan Seylac ayaa u dhow, waana meel aannu kharash badan kaga baxayn,” ayuu intaas ku daray.