Golaha Wakiilada Somaliland oo Kulan La Yeeshay Wefti ka Socda Beesha Caalamka

Hargeysa  -(Berberanews)-Wefti culus oo ka socda Midowga Yurub iyo UK, ayaa kulan la yeesha Shirguddoonka iyo xubnaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland maanta.

Kulankan oo si qiime leh u dhacay, waxa guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdirisaaq Khaliif Ahmed.
Ugu horreyn, waxa kulanka furay Guddoomiyaha, waxaannu si diirran ugu soo dhaweeyey wakiillada Midowga Yurub iyo UK, isagoo Guddoomiyuhu  xusey in taageeradooda ay ku mahadsan yihiin guud ahaan ay Somaliland siiyaan iyo Golaha Wakiladaba.
Intaa kadib, Xasan Xiis oo ah la-taliyaha Arrimaha Dibadda ayaa warbixin kooban la wadaagay xubnaha ka socday Midowga Yurub iyo UK,  oo ahaa warbixin soo koobid guud ahaan baahiyaha Golaha Iyo meelaha uu istaraatiijiyadda qabyada ah ee Goluhu diiradda saarayo in la hagaajiyo.
Intaa ka dib, xubnaha ka socday Midowga Yurub iyo UK, ayaa su’aalo waydiiyey Shirguddoonka ku saabsan meelaha mudan in ay wax ka qabanayaan mustaqbalka dhaw.
Waxay sidoo kale ka wada hadleen doorka Golaha Wakiillada ee ku saabsan dhammaystirka xeerarka muhiimka u ah nabadda, dimoqraadiyadda, Doorashooyinka iyo arrimaha bulshada.
Kulanka wuxuu ku soo dhammaaday jewi deggan oo is-afgarad. Waa markii ugu horreysay ee ay wafti intan miisaankiisu le’egyahay Golaha Wakiillada yimaaddaan, tan iyo markii Golaha Wakiillada ee cusub ay xafiiska yimaaddeen.
Xubnaha kulanka joogey.
Dhinaca Golaha Wakiillada:
1.  Mudane Abdirisak  Khaliif Ahmed (Guddoomiyaha Golaha Wakiillada)
2. Mudane, Siciid Mire Faarax (Guddoomiye kuxigeenka 1aad )
3. Mudane, Ali Xaamud Jibril (Guddoomiye kuxigeenka  2aad)
4. Md Maxamed Jaamac Koodbuur Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda
5. Md Maxamed  xuseen Jamac Raamboo Guddoomiye kuxigeenka Guddida Arrimaha Dibadda
6.Mudane Mohamed Hassan Siciid (Xubin Guddida Arrimaha Dibadda,
7. Mudane, Hussein Ismail Budul Xubin Guddida Arrimaha debedda ka mid ah
8. Md Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Xoghayaha Guud ee Golaha
9.Md. XASAN XIIS lataliyaha arrimaha Debedda ee golaha
10. Cabdinaasir Cismaan Maxamuud Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Golaha.
Dhinaca weftiga
1.      Maria Groeneveld (EU)
2.      Adnan Ahmed (EU)
3.      Johan Svensson (Sweden)
4.      Wacheke Michuki (Sweden)
5.      Essi Raitala (Finland)
6.      Nita Syvaoja (Finland)
7.      Sascha Kienzle (Germany
8.      Erling Johnsen (Norway)
9.      Haako Svane (Norway)
10.  Morgan Riley (UK)
11.  Lizzie Walker (UK)
12.  Mathias Kjaer (DK).