Alshabaab oo qarax iyo weerar khasaare badan keenay la beegsaday ciidammada Soomaaliya

DHUUSAMAREEB —(Berberanews)-Inta la xaqijiyey dhowr askari oo ka tirsan ciidammada dawladda taagta daran ee Soomaaliya ayaa dhintay, ku dhawaad 10 kalena way dhawacmen kadib markii uu qarax haleelay gaadhi ay la socdeen oo marayey degaan lagu magacaabo Sindhiqo oo 30km u jira magaalada Dhuusamareeb duhurkii maanta.
Saraakiil ka tirsan NISA, ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa kadib uu
dagaal dhexmaray ciidammada dawladda iyo malleeshiyada Al-shabaab.
Dagaalka iyo qaraxa ayaa yimi kadib markii ciidammada dawladda Soomaaliya ay degaanno ka tirsan Dhuusamareeb ka sameeyeen hawlgallo, kadibna Al-shabaab ay qarax u dhigeen.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa tibaaxay in ciidammada dawladdu qabsadeen degaanka Sindhiqo oo ay ka saareen xoogagga Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidammada dawladda oo la hadlay VOA ayaa sheegtay inay dagaalka ku dileen tobaneeyo ka mid ah malleeshiyada Al-shabaab, balse si madax-bannaan looma xaqiijin karo.
Dhuusamareeb oo la filayo inay dhowaan ka bilaabanto doorashada xildhibaannada golaha shacabka, ayaa waxa ku sugan taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Yuusuf Raage iyo taliyaha NISA Yaasiin Farey.