Golaha Guurtida  Dood ka Yeeshay Qashinka iyo Fayodhawrka Bulshada

Hargeysa  –(Berberanews)-Mudanayaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dood ka yeeshay arrimaha qashinka iyo fayo’dhawrka guud ee bulshada.

Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida  Somaliland oo uu shirguddoominayey guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa xildhibaannadu waxay dood ka yeesheen sidii qashinka magaalooyinka loo maarayn lahaa, loona dhawri lahaa fayo’dhawrka guud ee bulshada, iyagoo mas’uuliyiinta dawladaha hoose ee dalka ka dalbaday in sameeyaan goobo qashin qub oo magaalooyinka ka baxan.

Geesta kale, mudanayaashu waxay xukuumadda ku boorriyeen inay kordhiso Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee dalka, si badaha dalka looga badbaadiyo qashinka ay badaha ku daadiyaan maraakiibta shisheeye.

Gabo’gabadiina, mudanayaasha Golaha Guurtidu waxay si wadajir ah ay uga dalbadeen dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa inay maarayso qashinnada ka soo baxa jeelasha iyo cusbitaallada, isla markaana goobo gaar ah oo ka duwan ka kale ee ay magaaladu soo saarto lagu ururiyo, laguna gubo, si loo ilaaliyo badqabka guud ee bulshada.