Booliiska Ingiriiska oo loo haysto ‘inay si arxan daro ah u dileen’ nin Soomaali ah

Qoysasska labo nin oo mid Soomaali yahay , mid Suudaan kasoo jeedo asalkiisa oo ku baxay gacanta booliiska Welsh ee dalka Ingiriiska ayaa markii ugu horeysay ka hadlay halganka ay ugu jiraan in ay caddaalad helaan.

Maxamuud Xasan oo 24 jir ah iyo Muxyadiin Bashiir oo 29 jir ah ayaa la dilay muddo hal todobaad uun u kala dhaxayso kadib markii booliiska ay guryahooda ugu tageen. Geeridooda ayaa indhaha kusoo jeedisay booliiska, culees badana ku noqotay.

Maxamuud Xasan

Labada ciidan ee dhacdadan ku lugta leh ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan, natiijadana daabici doonaan mar aanan fogeyn.

Laanta BBC-da ee Wales ayaa baaritaan ku haysay arrinkan ayaa ogaatay in uu kalsooni daro weyn ay ka dhaxayso booliiska iyo bulshooyinka.

Saynab Xasan iyo Suleeymaan Maxamed oo qaraabo la ah Maxamuud ayaa xusuusta wiilkii xushmadda badnaa, kaas oo muujin jirey jacaylka uu u qabo qoyskiisa iyo dadka.

Waxa uu noloshiisa ka bilaabay Cardiff, halkaas oo uu kula noolaa ayeeyadiis ka hor intii aysan dhimanin , xilligaas oo uu guri ka kireystay Roath.

Waxa uu noqon rabay aabbe ka hor intii aanan la dilin bishii Janaayo 2021-dii.

Booliiska ayaa loogu yeeray gurigiisa 8-dii Janaayo kadib markii lagu eedeeyay in uu qalqal sameeyay, kadibna saldhigga ayaa lagu hayay muddo habeen ah, gaar ahaan saldhigga Cardiff Bay, waxaana la siidaayay maalinkii xigtay.

Adeerkiis Suleeymayaan ayaa sheegay in markii wiilka uu guriga kusoo laabtay uu aad ula yaabay, maadaamaa korkiisa oo dhan uu dhiig ahaa, kana muuqdeen dhaawacyo kala duwan.

Wuxuu qoyska u sheegay in booliiska ay u geysteen dhaawacyada jirkiisa ka muuqda, isaga oo intaas ku daray in ay dusha xitaa ka fuuleen.

“Waxa uu inoo sheegay in 8 nin oo boolis ah ay garaaceen” ayay tiri Saynab.

Waaxda Anshaxa Booliiska ee madaxa banaan ee IOPC ayaa baaritaan ku haya labo askari oo wiilkan la saarnayd qeybta dambe ee baabuurkii ciidanka ee gurigiisa looga qaaday.

Waaxdan waxa ay sheegtay in la hayo muuqaal ay duubtay kaamirada askariga ku rakiban, waxana ay u egtahay in Maxamuud ay suuxdin ku dhacday ama madax xanuun daran, islamarkaasna uu caawin u baahnaa, sida hadalka loo dhigay.

Seynab waxa ay sheegtay in waligiis Maxamuud uusan miyir beelin ama uusan suuxin.

Seynab waxa ay sheegtay in maalinkii xigtay uu Maxamuud dhintay , iyada oo loo yeeray kooxaha caafimaadka oo xaqiijiyay in uu dhintay.

Baaritaan caafimaad oo lagu sameeyay maydka Maxamuud ayaanan helin wax sabab ah oo uu u dhintay ninkani, iyada oo booliiska Cardiff ay BBC-da u sheegeen in aysan ka hadli karin arrin baaritaankeedu socdo.

Hillary Brown waa wakiilka dhaka sharciga ee qoyska, waxa ay sheegtay in ay jiraan su’aalo badan oo ku xeeran geerida Maxamuud, balse waxa ay qirtay suutogalnimada in si dabiici ahna uu u geeriyoon karo.

Dhanka kale Mooyad Bashiir oo qoyskiisa ay Suudaan kasoo jeedaan ayaa inkasta oo waalidkiisa ay haystaan sharciga Ingiriiska, haddane isagaloo diiday maadaamaa uu dhib sameeyay, waxayna qoyska sheegeen in taasi ay saamayn xagga maskaxda ah ku yeelatay.

Wiilka ayay xaalad maskaxeed lasoo daristay 17-kii Feberaayo 2021-dii, waalidka ayaa wacay nambarka 999, balse halkii shaqaalaha gargaarka caafimaadka ay ka sugayeen waxa u yimid booliiska.

Muhanad oo ah walaalkii ayaa sheegay in ay booliiska xoog kusoo gareen guriga, kadibna ay sariirtiisa ku celiyeen si daran.

Mooyad waxa uu lugta ku lahaa dhaawac weyn oo kasoo gaaray toori ku dhacday, waxaana dhacday in booliiska ay lugtii ka xirxireen.

Bashiir ayaa isbitaalka loola cararay, kadibna isbitaalka ayuu ku dhintay kadib wixii dhexmaray booliiska.

Sida ku cad tirakoobyada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, haddii qofka uu yahay madoow, wax badan 6 jibaar ayay suurtogal tahay in booliiska xoog kuu adeegsadaan marka la barbardhigo dadka caddaanka ah.

Uzo Iwobi waa haweenay dowladda kala talisa arrimaha dadka madoow iyo daryeelkooda , waxa ay sheegtay in sida kaliya ee wanaagsan ay tahay in dadka caddaalad loo sameeyo.

@Bbc Somali