Xukuumadda oo waxba kama jiraan ku tilmaantay eedaymo uga yimi Guddoomiyaha WADDANI

Hargeysa -(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag u deedafaysay, waxba kama jiraanna ku tilmaantay eedo uu guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ee WADDANI u jeediyey xukuumadda iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md Saleebaan Cali Koore oo BBC-da la hadlay maanta, ayaa sheegay in doorashada madaxtinimada lagu qaban doono waqtigii loogu talogalay, sidaa darteedna aanay jirin wax la isku qabqabsado, isagoo eedaymaha ka soo yeedhay xisbiga WADDANI ku sifeeyey qaar xaqiiqda ka fog oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Hadalka Wasiir Koore ayaa yimi saacado kaddib markii guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan uu ku eedeeyey madaxweynaha inuu doonayo muddo-korodhsi iyo in ballanqaadyadii uu shacabka u sameeyey uu ka soo bixi waayey.

Berberanews.com
Info@berberanews.com