Suxufiyad Aflagaadaysay Madaxweyne Erdogan oo Xabsiga la dhigay

Turkey-(Berberanews)-Wariye u dhalatay dalka Turkiga ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay inay aflagaadeysay madaxweynaha qaranka Recep Tayyip Erdogan.

Sedef Kabas ayaa lagu xidhay Istanbul Sabtidii ka dib wareysi toos ah oo ay siiyay TV-ga mucaaradka ee Tele1 Jimcihii hore, sida ay sheegtay idaacada iyo Telefishinka dowladda Turkiga ee TRT Haber.

Kabas waxat adeegsatay maahmaahyo dhaqameed Turki ah si ay u tixraacdo Erdogan iyadoo aan si dhab ah u sheegin magaca Madaxweynaha.

“Madaxa taajka leh ayaa caqli badan, laakiin waxaan aragnaa inaanay run ahayn,” ayay tidhi iyadoo ka hadlaysa Erdogan oo ku dhawaad ​​20 sano xukunka hayay tan iyo markii uu noqday ra’iisul wasaare xilligaas.

Markaas ayey tidhi:- Xooluhu marka ay qasri galaan, boqor noqon maayaan, laakiin qasrigaasi wuxuu noqdaa baqsin.

Sida ay sheegtay TRT Haber, xafiiska dacwad oogaha guud ee Istanbul ayaa go’aan ku gaashay in Kabas xabsiga loo diro baadhitaan, ka dib hadalkeeda.

Kabas ayaa laga sooxidhay hoteel ay ku hoyatay habeenkii Jimcaha. Subaxnimadii Sabtida, waxaa la geeyey saldhigga, ka dibna xafiiska xeer ilaalinta. Kaamirooyinka ayaa duubay markii la keenay maxkamada halkaas oo ay ka soo hormuuqatay qaadiga maxkamada Istanbul ok isla markiiba lagu xidhay.

Qareenka Kabas Ugur Poyraz ayaa ku soo qoray boggiisa Twitter-ka, “Waxaan cadeynayaa in aan la dagaallami doono ilaa dhammaadka sharci-darrada.”

Berberanews.com
Info@berberanewa.com