Quruxleyda xijaaban ee Soomaalida ah ee quruxda adduunka u tartamaysa

Khadiija Cumar oo ah Gabadhii ugu horreysay ee xijaaban ee ka qaybgasha tartanka Miss World, isla markaana noqotay qofkii ugu horeeyay ee matalaysa dalkeeda hooyo ee Soomaaliya ayaa ku soo baxday 40-ka kaalmood ee ugu sarreeya, tartankaas.

Tartanka quruxda ee adduunka caanka ah, oo dib loo dhigay bishii Diseembar ka dib markii uu ka dillaacay Covid-19 tartamayaasha iyo shaqaalaha, ayaa dhowaan ku dhawaaqday 15-ku-guuleystayaal iyo 25 xulasho oo ay doorteen garsoorayaashii tartankaasi.

Miss Somalia ayay garsoorayaashu doorteen, iyadoo ay weheliyaan ka-qaybgalayaal ka kala socday Indonesia, Sri Lanka, Ireland, Malaysia, China iyo Iceland.

Miss Philippines iyo Miss India ayaa labaduba lagu dhawaaqay in ay yihiin 15-ka ugu sarreeya, iyadoo ay weheliyaan haween u dhashay England, US iyo Nepal.

“Erayadu ma qeexi karaan sida aan ugu hanweynahay marxaladihii aan ka soo gudubnay sannadkan iyo kkan hadda” ayay Khadiija ayaa ku soo qoray Instagram-ka, markii lagu dhawaaqay 40-ka magac ee ugu sarreeya. “Soomaaliya wax badan oo taariikhi ah ayay samaysay, wayna ku socotaa.” ayay sii raacisay hadalkeeda.

“Inaan 40-ka qof ee ugu sarreeya ka mid noqdo waxay i tustay sida shaqada adag ee aad qabataa ay meel isaga soo saarto iyo sida ay riyooyinku run ahaantii u rumoobaan, qof kasta oo igu taageeray safarkan, weligayba waan u mahadcelin doonaa. Dalkayga iyo kooxdayda, waad ku mahadsan tahiin inaad fursaddan i siiseen. Aniga fursadan, waxaan ku dadaali doonaa inaan sii wado horumarkayga.” ayay ku soo koobtay qoraakeeda.

Khadiija waa tartamihii ugu horreeyay ee xijaab xidhan oo Soomaaliya u matasha Miss World 2021.

Khadija, hadda waa arday barato cilmu nafsiga o ku nool dalka Canada.

Miss World waxaa hadda haysta hawenay lagu magacaabo Toni-Ann Singh oo reer Jamaica ah oo ay u caleemo saartay Vanessa Ponce ee Mexico 14kii Diseembar 2019 gudaha London, England.

Waxayna noqonaysaa qofkii ugu dheeraa taariikhda ee muddo intaa le’eg haysata billaddan kaddib markii uu dib u dhac ku yimid tartankaaas sanadka labaad.

Waxaana ay tahay Jamaican-kii afaraad ee ku guulaysata Miss World.

Bandhigga kama danbaysta ah ayaa hadda ka dhici doona Puerto Rico March 16.”Hambalyo 40-kayaga ugu sarreeya ee lagu martiqaaday inay ku soo laabtaan San Juan, Puerto Rico 12-ka Maarso si ay u sii wadaan dadaalkooda ah in loo caleemo saaro qofkii 70-aad ee Miss World,” ayaa lagu yidhi qoraal ay Facebook-ga ah oo la soo dhigtay bogga Ururka Miss World Organisation.

Tartamada caalamiga ah ee quruxda waxaa lagu xasuustaa Xaliima Aadan, oo dhawr jeer ku guulaysatay billado, inkasta ay markii danbee joojisay hawshaas.

Waxay sidoo kale Khadija ka shaqeysa arrimaha bulshada sida UNHCR oo ay kala shaqeysa arrimaha dhallinyarda iyo isbadelka cimilada.

Miss World waa tartanka quruxda caalamiga ah ee ugu da’da weyn. Waxaa lagu sameeyey markii u horrey Boqortooyada Ingiriiska waxaana horkacay Eric Morley 1951.

Miss World 2021 waxay noqon doontaa sannad-guuradii 70-aad ee tartankan. Waxaa loo qorsheeyay in lagu qabto Diisambar 16, 2021 goobta Jose Miguel Agrelot Coliseum ee San Juan, Puerto Rico.

@Bbc Somali