Ciidammada Itoobiya oo shaaciyey hawlgal ay markale dib ugu qabsanayaan Maqalle

Addis Ababa -(Berberanews)-Ciidanka millatariga dalka Itoobiya, ayaa shaaca ka qaaday inay isu diyaarinayaan hawlgal ay markale dib ugu qabsanayaan magaalada Maqalle ee xarunta gobolka dhibaatooyinku ka aloosan yihiin ee Tigray.
Janaraal sare oo ka tirsan Ciidammada Itoobiya oo lagu magacaabo Jeneral Abebaw Tadesse, ayaa waraysi uu siiyey warbaahinta ku hadasha afka dawladda waxa uu ku sheegay in ciidammadoodu qorshaynayaan hawlgal ay markale ku geli doonaan magaalada Maqalle, isla markaana aan wax wadahadal ah lala galayn kooxda TPLF, balse ma caddayn waqtiga ay duullaanka ku qaadayaan caasimadda Gobolka Tigray.

Hadalka Jeneralka ayaa u muuqda mid rajo tiraya in TPLF qayb ka noqoto shirweynaha wadatashiga heer qaran ee uu Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ku dhawaaqay inuu dhowaan dalka ka dhici doono, iyadoo weli aanay joogsan colaaddii ka jirtay Gobolka Tigray.

Lama garan karo sida ay isu qabanayaan wadatashiga si guud ee Abiy Axmed ku baaqay in dhammaan Itoobiya isugu iman doonaan iyo xallinta colaadda Gobolka Tigray ka jirta oo wali sii socota, iyadoo TPLF dhankeeda ay weli waddo duullaankeeda ay ku sheegtay inay ku soo ceshanayso dhulka ay sheegtay inuu ka maqan yahay.